Khasaare baaxad leh oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka dhashay duqaymo xooggan oo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Suudaan ay ka gaysteen magaalada Kuma ee dhacda gobolka waqooyiga Daarfuur ee dalkaasi.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in ciidamada Sudan ay weerar duqayn ah oo loo adeegsaday diyaarad nooca Drone-ka ay ku qaadeen suuq kuyaal Kuma, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 89 qof oo shacab ah, sidoo kalena ay ku burburiyeen qaybaha uu ka kooban yahay suuqaasi.
Qoraal kasoo baxay guddiga gurmadka degdegga ah ee magaalada Kuumah, ayaa lagu yiri “Ugu yaraan 89 qof ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad taabacsan ciidanka millatariga, taas oo beegsatay magaalada Kuma ee dhacda gobolka Waqooyiga Darfuur.”.
Ilo wareedyo maxalli ah iyo odayaal deegaanka ah oo la hadlay wargayska lagu magacaabo Sudan_Tribune ayaa sheegay inay arkeen diyaarad nooca Drone-ka oo saddex gantaal ku beegsanaysa suuqa magaalada Kuuma oo ay ku dhinteen dad badan, sidoo kalena dhalisay burburka qaybaha uu ka kooban yahay suuqaasi.
Ciidanka Sudan iyo maleeshiyada RSF, ayaa si isku mid ah u beegsada dadka rayidka ah ee reer Suudaan, gobolka Daarfuur oo kaliya waxaa laga diiwaan geliyay 200 oo duqaymo ah oo ay gaysteen ciidamada millatariga sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.