Kumannaan muslimiin martida ilaahay ah ayaa maanta taagan banka carafo, si ay halkaasi ugu gutaan rukniga ugu wayn ee acmaasha xajka.
Sannadkan oo aad uga duwan sanadihii hore waxaa xajinaya 60 kun oo xujay muslimiin ah, go’aankaas oo kasoo baxay dowaldda dabadhilifka ee Sucuudiga ayaa u muuqda mid uu bin salmaanka Sucuudiga kusii kordhinayo dagaalkiisa ka dhanka ah diinta islaamka.
Milyaar musliim ah oo caalamka islaamka ku dhaqan una suura gelin in ay xaadiraan maalintan wayn Xajka ayaa maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 9-ka bisha Carafo sooman maalinta carafo oo fadli dheeri ah leh.
Kumannaan xujey oo kala midab iyo kala luuqad ba ah balse ay mideysay kalimadda towxiidka ayaa maanta taagan banka Carafo waxayna wayneynayaan magaca Allaah, iyadoona cibaadadaan wayn ay muslimiinta caalamka kale kaga faa’ideysanayaan soonka Caashuuraa.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com