Wararka ka imaanaya magaallada Baydhabo ee oo ah xarunta maamulka ridada Koonfur Galbed ayaa sheegaya in murtad Laftagareen uu maanta baajiyay safar ay halkaasi ku tagi lahaayeen shaqsiyaad kasoo horjeedo.
Wafdiga uu Laftagareen dib uceliyay ayaa la sheegay in ay soo dirsatay Kooxda Ridada Soomaaliya uuna hogaaminayo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka ridada murtad Mursal.
Maamulka ridada Koonfur galbeed ayaa diyaaradaha kasoo dulla Mogdisho ee Baydhabo ak daga amar ku siiyay in aysan soo qaadi karin shaqsiyaadkaasi.
Murtad Maxamed Cabdi Frank oo ah xildhibaan katirsan ridada ayaa waraysi uu bixiyay waxa uu ku xaqiijiyay in murtad Laftagareen uu ka hor istaagay in ay kasoo dagaan magaalaldaasi.
Arintaan ayaa imaanaysa iyadoo mudooyinkii danbe xiisada udhaxaysa hogaamiyaha maamulka gaala raaca Koonfur Galbeed iyo siyaasyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo uu sii xoogaysanayay.
Murtad Laftagareen aya sida wararka ay sheegayaan waxa uu doonayaa in xubnahaasi uu ka hor istaago doorashoyin gaaleedka maamulkaasi, isaga dhanka kale qaba shaki ah in murtad Gurguurte uu doonaya in uu meesha ka saaro uu Baydhabo keensado siyaasiyiin isaga taabacsan.