Munaasabad heer sare ah oo ka dhacday degmada Bacaadweyne ee wilaayada islaamiga Mudug ee bartamaha dalka soomaaliya ayaa maamul cusub oo islaami ah loogu dhisay degmada taasi oo si toos ah ugu soo biirtay degmooyinka wilaayaadka islaamiga.
Xafladda waxaa soo xaadiray masuuliyiin culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Bacaadwayne, Waxaana masuuliyiinta ka mid ahaa waaliga wilaayada islaamiga Mudug Sheekh Xasan Abuu Xamza oo halkaas ka jeediyay kalimad ku aadan bulshada iyo maamulka cusub ee degmada.
Degmada Bacaadwayne waxay bishii Ramadaan ee laso dhaafay si buuxda ugu dhacday gacanta ciidamada Mujaahidiinta ka dib markii ay isaga firxadeen maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa.
Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Idaacadda.
Calamada.com