Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maamulka Abiy Oo Lagu Eedeeyey Abaabulka Dagaal Ka Dhan Ah Shacabka Tirgrey.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Abiy Oo Lagu Eedeeyey Abaabulka Dagaal Ka Dhan Ah Shacabka Tirgrey.

July 15, 2025

Waxaa marba marka ka dambaysa sii laba-laxaadsanaya dagaallada ka holcaya gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobollada Amxaarada iyo Oromada, iyadoo haatanna dhinaca Tigreega laga soo sheegayo saasaan colaadeed oo muddooyinkan dambe si weyn isu soo taraysa.

Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigreega ayaa shaaca ka qaadday in dowladda Xabashida Itoobiya ay aabaabyulayso duullaan cusub oo ay damacsan tahay inay ku qaaddo gobolka Tigreyga. Arrintaas oo kooxdu sheegtay inay werwer iyo walaac xooggan ku abuurtay dadka deggaanka.

War saxaafadeed ay TPLF kasoo saartay arrintan ayay ku xustay in shacabka Tigray-gu ay ku nool yihiin xaalad aad u xun oo ay sababtay xasuuqa lagu hayo dadka deggaanka. Waxaa kale oo ay ka dhawaajisay in dadkii ka badbaaday xasuuqii dowladda ay iyaguna u le’anayaan cuduro kala duwan iyo macaluul.

Sida lagu xusay bayaanka, heshiiskii Pretoriya ee 2022-kii dhex-maray maamulka Abiy iyo kooxda Tigrey ayaan waxba ka tarin joojinta xasuuqii lagu hayay guud ahaan shacabka Tigrey, gaar ahaan kuwii ku hoos-jiray ayaa la yiri gacanta soo-duulayaasha, kuwaas oo heyb ahaan loo beegsaday, loona geystay dhibaatooyin isugu jira dil, afduub iyo weliba jir-dil.

Maamulka Abiy Axmed ayay kooxdu ku eedaysay in jihooyin kala duwan uu kasoo hubaynayo maleeshiyaad, si ay u dhibaateeyaan shacabka Tigrey-ga. Waxaanay kooxdani ay qaylo-dhaan u dirsatay waxa loogu yeero beesha caalamka oo ay ugu baaqeen inay garwaaqsadaan in falalkan ay yihiim mas’uuliyad-darro ka dhan ah heshiiskii nabadda ee Pretoriya.

Dhawaan ayay ahayd markii iska hor’imaad u dhaxeeyay ciidamada Tigreega iyo kooxo kale oo hubeysani uu ka dhacay degmada Wejerat ee gobolka Tigray. Kaas oo walaac xooggan laga muujiyey lagana cabsi-qabo in horseed uu u noqon karo dagaal sokeeye oo dhiig badani uu ku daato, oo mar kale dib uga qarxa gobolkaasi.

In ka badan 600,000 (Lix Boqol oo Kun oo Qof) ayaa lagu qiyaasay tirakoobka dadkii ku dhintay dagaalkii 2020-ka ka bilawday gobolka Tigrey ee socday muddada labada sano ah, kuna barakaceen dad ka badan 2.5 milyan oo qof (Laba dhibic Shan Milyan oo Ruux).

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -20-01-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-01-1447 Hijri.

Related Stories

Ciidamo Kenyan Ah Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Shil Ka Dhacay Haiti.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamo Kenyan Ah Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Shil Ka Dhacay Haiti.

September 3, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-03-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-03-1447 Hijri.

September 3, 2025
Abiy Axmed Oo Shaaca Ka Qaaday In Dhawaan La Wareegi Doonaan Dekedda Casab.
  • Allposts
  • Warar

Abiy Axmed Oo Shaaca Ka Qaaday In Dhawaan La Wareegi Doonaan Dekedda Casab.

September 3, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)

August 31, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 29 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 29 aad)

August 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 28 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 28 aad)

August 24, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)

August 18, 2025

Sawirro

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada