War kasoo baxay maamulka Riddada Somaaliland ayaa lagu sheegay in safiirka Turkiga ee fadhiya Muqdisho uu faragalin ku hayo maamulka Hargeysa, isagoona qaaday tallaabooyin ka dhan ah maamulkaasi.
Somaliland ayaa sheegtay in safiirka Turkiga uu Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo doonaya inay ka go’aan maamulka Ridada Somaaliland, islamarkaana qorshayaal arrintaasi ku aadan ka wada magaalada Muqdisho.
“Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Sidaas awgeed, Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xiriira faragelin iyo carqaladaynta amniga Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaaliland.
Isla shaley wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u yeeray Qunsulka Guud ee Turkiga ee Hargeysa, kadib markii uu soo shaacbaxay kulan Muqdisho ku dhexmaray Safiirka Turkiga iyo xubno kasoo horjeeda maamulka Somaliland.
Ma jiro ilaa haatan wax war ah oo kasoo baxay dowladda Riddada ee Turkiga oo ku aaddan eedeynta loo jeediyey xilli dhowr jeer oo horay maamulka Riddada Somaliland ay eedeeymo nuucaan oo kale ugu jeediyeen dowladda Turkiga.