Maamulka Riddada Puntland ayaa gabi ahaanba joojiyey mushaaraadkii uu siin jiray maleeshiyaat maamulkooda ka tirsanaa kuwaasi oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobalka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.
Maleeshiyaatkaan oo horay u hoos tagi jirin Axmed Karaash oo mar soo noqday Madaxweyne ku xigeenkii Puntland ayaa ku sugnaa muddooyinkii lasoo dhaafay magaalada Laascaanood, iyagoo ka qeybqaatay dagaaladii ka dhacay magaaladaasi.
Maleeshiyaatkaani ayaanan helay muddo seddex bilood ah wax mushaar ah kadib markii maamulka Siciid Deni uu ka carooday inay maleeshiyaatkaani ay ku biireen maamulka ridada ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Laascaanood.
Maamulka ridada ee Puntland ayaa maleeshiyaatkaani siin jiray mushaaraad iyo zaad, waxayna toos u hoostagayeen maamulka Deni. balse markii la dhisay maamulka Laascaanood ayey Puntland ku amartay inay kasoo tagaan magaaladaasi, iyagoona arrintaasi ka biya diiday.
Maamulka ridada ee Puntland ayaa horay u sheegay inay kasoo horjeedaan dhismaha maamulka ridada ee laga dhisay magaalada Laascaanood ee uu madaxda ka yahay murtad Firdhiye, kaasoo ay dhistay kooxda ridada ee Xasan Gurguurte.