Dowladda Saliibiyadda Maraykanka ayaa laga soo weriyey in si lama filaan ah ay u joojisay fiisayaashii ay siin jirtay mas’uuliyiinta kooxda riddada Soomaaliya ee gar-wadeenka uu ka yahay murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida ay xogtu tibaaxayso, Waaxda Arrimaha Dibadda ee maamulka Trump ayaa u sheegay masuuliyiinta kooxda Villa Soomaaliya in laga mamnuucay gelitaanka dalka Mareykanka, isla markaana aan la siin doonin fiisayaashii ay ku tegi jireen waddankaasi.
Guddoomiyaha golaha dawaaqiidda riddada Soomaaliya, Murtad Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee kooxda riddada ayaa la sheegay in si rasmi ah loo gaarsiiyey war-gelintan kasoo baxday dowladda Maraykanka.
Tallaabadan ayaa si guud u halis gelinaysa safarradii qorshaysnaa ee mas’uuliyiinta riddada, gaar ahaan xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee kooxda Gurguurte la sheegay in bartamaha bishan ay ku wajahnaayeen caasimadda Washington.
Go’aankan uu qaatay maamulka Trump ayaa muujinaya niyad-jab weyn oo dowladda Maraykanku ay ka qaadday burburka iyo fashilka baaxadda leh ee ku yimid kooxda riddada Soomaaliya, oo ay tabantaabinayeen muddo ku dhow labaatan sano.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ka dhanka ah riddada, ayaa kusoo aadaysa xilli halganka jihaadiga ah ee Geeska Afrika uu bullaalay, isla markaana dhul aad u ballaaran ay mujaahidiintu kusoo dabaaleen ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.