Maamullada ashahaada la dirirka Somaliland iyo Puntland ayaa si adag uga soo horjeestay maamul wazaaradda arrimaha gudaha ee kooxda Riddada Soomaaliya ay kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Kulan ay yeesheen golaha wasiirada maamulka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Somaliland, ayaa laga soo saaray go’aamo adag oo ka dhan ah maamulka kooxda Riddadu ka dhistay magaalada Laascaanood, kaas oo ah mid ay kooxda Xassan Gurguurte ugu magac dartay maamulka waqooyi bari Soomaaliya.
Go’aamada shirkaasi kasoo baxay oo uu akhriyay wasiirka warfaafinta ee maamulka murtad Cirro, murtad Axmed Yaasiin ayaa lagu sheegay in gobollada Sanaag, Sool ay ka mid yihiin dhulka maamulkiisa, waxayna sheegeen in maamulka halkaas laga dhisay uu yahay mid kooxda Riddadu kaga faa’ideysanayo arrimo doorasho, wuxuu maamulkan kooxda fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeeyay in ay colaad ka abuurayso deegaannada Sool, sidoo kalena hubkii iyo dhaqaalaha ay gaalada beesha caalamku siisay kooxdaasi ay u adeegsanayso hurinta colaadda Sool iyo Sanaag.
Go’aamada kasoo baxay fadhiga golaha wasiirada maamulka fadhigiisu uu yahay Hargaysa ayaa tilmaamaya in maamulkaasi u diyaarsan yahay in uu is difaaco, oggollaanna doonin in maamul cusub laga sameeyo gobolladaasi sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, guddoomiyaha golaha dawaaqiidda maamulka Puntland, murtad Cabdirisaaq Axmed Maxamed, ayaa dhankiisa maamulka cusub ee ay kooxda Riddadu ka sameysay Laascaanood ku tilmaamay maamul laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaaban, laguna doonayo in qalalaase looga abuuro Sool iyo Sanaag.
Kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Gurguurte ayaa cadaadisyo xooggan kala kulmaya saddex ka mid ah maamullada ashahaada la dirirka ah ee ay saliibiyiintu dalka ka dhisteen, kuwaas oo kala ah Somaliland, Puntland iyo Jubbaland, laba ka mid ah maamulladaas ayayna foodda is dareen Villa Somalia, oo dagaallo ku dhexmareen Gedo iyo Sanaag.