Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil habeen hore ka dhacay magaalada Gaarissa oo ka mid ah dhulalka muslimiinta NFD ee ku hoos jira gummeysiga saliibiyiinta Kenya.
Dilkan ayaa lasoo wariyay in loo gaystay nin Kenyan ah oo magaciisa lagu sheegay Ochieng Minudi, kaasi oo bare ka ahaa kuliyadda mucallimiinta ee ismaamulka Gaarissa, waxaana dilka u gaystay dhalinyaro Soomaali ah, sida lasoo warinayo.
Masuuliyiin ka tirsan ismaamulka dowladda saliibiyadda Kenya ay ka dhisatay Gaarissa oo dhacdadan cambaareeyay ayaa sheegay in dilka uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo muddooyinkii u dambeeyay falal amni darro ah ka gaysanayay magaalada.
Dad saliibiyiin Kenyan ah oo ku sugan Gaarissa ayaa sameeyay isku soo bax ay kaga soo horjeedaan dilka loo gaystay baraha kasoo jeeda Kenya, ma jirto cid rasmi ah loogu soo xiray falkan, waxaana la sheegay in dilka ninkaasi loo adeegsaday Mindi.