Xilli dhulboobka ka socda magaalada Muqdisho ee uu ku howlanyahay Xasan Gurguurte uu xarkaha goostay ayay digniin culus arrinkaas kasoo saareen siyaasiyiin horay xilal sarsare ugasoo qabtay kooxda Riddada Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ay ku saxiixanyihiin madaxweynayaashii soo maray kooxda Riddada ayay ku sheegeen in Xasan Sheekh uu Soomaaliya ka geystay dhulboobkii ugu xooganaa ee abid soo mara dalka.
Cabdi Qaasim Salaad Xasan,Shariif Sheekh Axmed iyo Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen ku caddeeyay in waxa ka socda Muqdisho ay yihiin boob baaxad leh oo lagu hayo dhulalka danta Guud.
Waxay sheegeen in marka dhulka laga raro shacabka degan kadib laga iibiyo ganacsato waxaana lacagtaas laga bixiyay dhulalka ladhacay ay ku dhacdaa jeebka shakhsiyaad u adeega Xasan Gurguurte taasi oo meesha ka saaraysa qiilkii ay madaxda kooxda Riddada u sameynayeen dhulboobka ay caasimadda kawadaan iyagoo ku sheegaye in laga dhigo mid lagu qabto dan guud.
Sedaxdan murtad ee horay usoo hoggaamiyay kooxda Riddada Soomaliya ee baaqa qeylla dhaanta ah soo saaray ayaa ku baaqay in shacabka laga barakiciyay guryahooda dib udejin loo sameeyo islamarkaana lajoojiyo dhul boobka iyagoona digniin culus udiray ganacsatada iibsanaysa dhulalka boolida ah.
“ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal quudatada ah waxaan uga digaynaa in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, meelna uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida danta guud” ayaa lagu yiri warka ay sida wadajirka ah usoo saareen Shariif Sheekh Axmed, Cabiqaasim Salaad iyo Max’med Cabdullaahi Farmaajo.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli isbuucii lasoo dhaafay xaafado katirsan degmada Hodon uu ka dhacay dagaal khasaara badan dhaliyay oo udhaxeeyay maleeshiyaad daacad u ah madaxda kooxda Riddada ee dhul boobka wada iyo maleeshiyaad kale oo difaacayay dadka deegaanka.