Xilli ay cirka iskusii shareeraya xiisadaha udhaxeeya kooxda Riddada Soomaaliiya iyo maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland oo ay kaabayaan dowlado dhowr ah ayay mid kamida dowladaha geeska Afrika caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha taagan.
Asiyaas Afawarki oo ah madaxweynaha dowladda Ereteriya ayaa ku dhawaaqay in Imaaraatka Carabta uu khalalaaso dhan walba ah uu ka wado geeska iyo bariga qaaradda Afrika isagoo wax aan laqaadan karin ku tilmaamay colaadaha ay madaxda Imaaraatka carabta hurinayaan.
Isagoo wareysi dhinacyo badan taabanaya siinayay telefeshinka ku hadla afka dowladda Ereteriya ayuu Afawarki ka shanqariyay in xukuumadda Abu Dubai ay mas’uul ka tahay dagaallada lagu hoobtay ee ka socda wadanka Suudaan islamarkaana ay doonayso in dal walba ka riddo dagaal sokeeye.
Madaxweynaha Ereteriya ayaa ku goodiyay in ay tallaab adag ka qaadi doonaan dhammaan dowladaha halista ku ah amniga badda Cas.
Dowladda Riddada Imaaraatka Carabta ayuu ku eedeeyay in gadaal ka riixayso damaca dowladda xabashida Itoobiya ee badda cas wuxuuna ugu baaqay dalalka gobolka in ay meel ugasoo wada jeestaan faragelinta Imaaraatka.
Afawarki ayaa wareysiga lala yeeshay ku caddeeyay in amniga suudaan uu qeyb ka yahay amniga qaranka Ererteriya sidaas daraadeed ay taageerayaan ciidamada Jeneraal Alburhaan ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka Janjawiidka ee uu taageero Imaaraatka Carabta.