Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale eedaymo culus, aflagaado iyo hadallo nacayb ah kala dul-dhacay guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.
Khudbad uu saacadihii lasoo dhaafay jeediyey, ayuu Trump kusoo hadal-qaaday Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay dalka ugu xun uguna khatarta badan adduunka, waxaanu dadka Soomaaliyeed ku sifeeyey kuwo musuq badan oo tuug ah.
Trump ayaa yiri “Waxay ka yimaadaan Soomaaliya, Dhammaantood waa dad doqmo ah oo musuqmaasuq badan. Dad badan ayaa sheega inuu yahay dalka ugu xun adduunka oo dhan. Ma haystaan lacag, wax alla wax ka jiraa ma jiro. Ma haystaan dowlad. Ma haystaan boolis. Maalin oo dhan way is -dilaan. Waa buuq iyo fawdo keliya. Waxaa laga yaabaa inuu yahay waddanka ugu xun uguna khatarsan.”
Gaal Donald Trump waxa kale oo Soomaalida ku tilmaamay dad garaadkoodu hooseeyo oo ma-shaqaystayaal ah, isagoo ku eedeeyey in 19 bilyan oo doollar ay ka xadeen gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.
Trump ayaa markale yiri“Waxay aadeen Minnesota, waxayna xadeen 19 bilyan dollar. Waa dad garaadkoodu hooseeyo. Waa dad xun. 94% waa shaqo-la’aan, mana rabaan inay shaqaystaan, iyadoo shaqooyin badan ay bannaan yihiin oo la heli karo.”
Waxa kale oo gaalkani carrabka ku dhuftay in Soomaalidu ay dalka Maraykanka yimaaddaan iyagoo aan haysan wax lacag ah, isla markaana ay gataan baabuurta qaaliga ah ee waddankaasi. Waxaanu ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo arrimahaasi.
Weerarkan afka ah ee Donald Trump uu mar kale kusoo qaaday ummadda Soomaaliyeed ayaa qayb ka ahaa khudbad caalamku uu si weyn ugu dheg-taagayay oo uu jeediyey saacadihii lasoo dhaafay, taas oo uu kaga hadlay dagaalka ka socda Bariga Dhexe.