Baadariga madaxweynaha ka ah dalka Uganda, Yuweeri Muusaveni ayaa si toos ah markii ugu horeysay daboolka uga qaaday damac la mid ah ka Itoobiya, kadib markii uu si cad u sheegay in Uganda ay xaq u leedahay inay hesho marin ay ka gasho Badweynta Hindiya.
Musefeni ayaa ku goodiyey, in mustaqbalka uu dhici karo dagaal u dhexeeya Uganda iyo Kenya, haddii waddankiisa loo oggolaan marin toos ah oo uu ka helo badweynta Hindiya.
“Yugaandha hadii ay isku daydo inay dhisato ciidan badeed, sidee ayay u dhisan kartaa iyadoo aan bad lahayn? Qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Afrika waa mid aan caqli-gal ahayn; qaar badan oo dalalkaas ka mid ahna xitaa marin badeed ma haystaan. Taasi waxay dhibaato ku tahay dhaqaalaha iyo difaaca labadaba. Sideen wax-soo-saarkayga ugu dhoofin karaa dibadaha anigoo bad la’aan ah? Sidaas darteed ayaan hadal iyo heshiisyo aan dhammaad lahayn ula galnay Kenya. Balse baddu waa xaqqaygii oo aniga ayaa leh! Mustaqbalka waxaa dhici doona dagaallo”. ayuu yiri Musaveni.
Yoweri Museveni, ayaa cadaalad-darro ku tilmaamay in dalalka aan badda lahayn ee Yugandha ay ka mid tahay laga hor istaago marinno muhiim u ah ganacsigooda iyo difaaca dalalkooda.
Waxa kale oo Gaalkani fikrad waalli ah uu ku sifeeyey in dalalka xeebaha saarani ay keligood isku koobaan lahaanshiyaha badda.
Hadalkan oo Yuweri Museveni uu jeediyey maalmo ka hor, ayaanay ilaa hadda jawaab cad ka bixin dawladda Kenya, waxaase si adag uga fal-celiyey shacabka Kenya oo hadalka kasoo yeeray baadarigan ku tilmaamay riyo-maalmeed, waxaanay carabaabeen in uu ka shallayn doono haddii uu isku dayo dagaal uu kusoo qaado waddanka Kenya.
Dhawaaqan kasoo yeeray madaxweynaha dawladda saliibiyadda ah ee Uganda, ayaa kusoo aadaya xilli Geeska bari ee qaaraddana la isku biro-tumanayo, kadib markii dawladda Xabashida Itoobiya ay sii laba-jibaartay damaceeda badeed, isku diyaarinayso dagaal ay sheegtay inay kula wareegayso qaybo ka mida dekedaha Eretariya.