Dik Cheyney, madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Maraykanka, ayaa Isniintii shalay geeriyooday isagoo 84 jir ah, kadib markii uu muddo badan u jiifay cudurro kala duwan oo haleelay, oo ay ka mid yihiin Wadne-xanuun, Oof-wareen iyo sidoo kale cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga, sida qoyskiisu ay u xaqiijiyeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta.
Dik Cheyney, oo ku-xigeen u ahaa George W. Bush, madaxweynihii Maraykanka ee 2001 ilaa 2009, ayaa door weyn ka qaatay duullaannadii saliibiga ahaa ee maamulka Washington uu ku qaaday waddamada Islaamka, sida Afganistan, Ciraaq, Yemen, Suuriya iyo Soomaaliya.
Intii uu xilalka hayay, Cheyney oo asal ahaan ka soo jeeday gobolka Wyoming, wuxuu soo noqday madaxa shaqaalaha Aqalka Cad iyo xoghayaha gaashaandhigga, ka hor inta uusan noqon madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka.
Wuxuu xilka hayay xilligii ay dhaceen weerarradii dhulka la jaray Maraykanka ee 11-kii Sebteembar 2001 ee ka dhacay magaalada New York. Waxaanu mar uu la hadlayey weriye ka tirsan CNN, uu u sheegay in noloshiisu isbeddashay kadib markii diyaaraddii labaad ay ku dhacday Dhismaha Ganacsiga Adduunka.
Madaxweyne ku-xigeenkii hore Maraykanka oo goor dhawayd la sheeciyey geeridiisa ayay qoyskiisu sheegen in muddo badan uu la dhibaataysnaa cudurrada ku dhaca wadnaha oo si adag u qaban jiray, iyadoo 2012-kii, lagu sameeyey qalliin dhinaca wadnaha ah.