Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo madaafiic ah ku qaadeen kolonyo maleeshiyaadka murtadiinta ah oo ku sugnaa agagaarka degaanka Baarka ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbada hoose.
Howlgalkaan madaafiicda ah ayaa Allaah fadligiis u u dhacay sidii loo qorsheeyay, wuxuuna sidii loogu_talagalay u beegsaday kolonyada maleeshiyada Riddada, waxaana lasoo wariyay in uu jiro khasaare maleeshiyaadka murtadiinta kasoo gaaray duqeyntaasi.
Weerarkaan duqaynta ah, ayaa kusoo beegmaya xilli sidan oo kale saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir u duqeeyeen xerada Hiilweyne ee kutaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo demada Balcad, halkaas oo uu ku sugnaa taliyaha guud ee maleeshiyaadka murtadiinta, murtadka lagu magacaabo Odawaa Yuusuf Raage, waxaana uu halkaas kulan kula lahaa saraakiil ka tirsan murtadiinta.