Maleeshiyo ka tirsan jabhadda mucaaradka dowladda xabashida Itoobiya ee Fano, ayaa waxay isniintii shalay weerar culus ku qaadeen laba gaari oo ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda xabashida Itoobiya.
Jabhadda mucaaradka Fano waxay sheegtay in gaadiidka ay jidka u galeen ay ku kala socdeen Lemmi iyo Jemma, waxaana uu weerarku ku qabsaday deegaan lagu magacaabo Jalota oo u dhaxeeya labada deegaan.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa soo sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay kutaal meel 150 kiiloomitir u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, halkaas na uu ka dhashay khasaare kala duwan oo ciidanka xabashida lasoo gaarsiiyay.
Warbixinta Fano waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaadiidka la beegsaday ay goobta ku gubteen kadib markii lagu dhuftay qori RPG ah, waxay sidoo kale fallaagada Fano adeegsanayeen gantaal meel dhow laga tuuro sida lagu soo waramayo.
“Gaadiidka si buuxda ayaa loo burburiyay,” waxaa sidaas lagu yiri nuqul ka mid ah warka kasoo baxay jabhadda mucaaradka Itoobiya ee Axmaarada.
Warar kale ayaa sheegaya in weerarka jidgalka kaddib uu goobta ka dhacay dagaal culu, weerarka ayaa lagu sheegay mid culus oo kooxdu doonaysay in ay kusoo afjarto ciidamo ka tirsan nidaamka Abiy oo ku sugnaa aagga, balse weli ciidamada difaaca Itoobiya wax war ah kama soo saarin dhacdadan.
Waxay weeraradan kusoo beegmayaan xili jabhadda Fano dhowr toddobaad ka hor ay guulo ciidan ka sheegatay dagaallo culus oo ka dhacay Wollo, gaar ahaan waqooyiga, halkaas oo ugu yaraan 470 askari ay uga dileen ciidamada millatariga, halka inka badan 150 kalena lagu dhaawacay, Itoobiya waxay ku eedeysay Eritrea iyo TPLF inay ku lug leeyihiin dagaalladaas, balse Fano ayaa si cad u beenisay eedeymahaas.