Maleeshiyaadka murtadiinta ee kooxda Riddada Xasan Gurguurte u hubeysay dhul-boobka ka socda caasimadda Muqdisho, waxay saacadihii lasoo dhaafay burburin ka gaysteen suuqa bakaaraha ee gobolka Banaadir.
Kooxda Riddada ayaa maleeshiyadan kusoo daadisay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo dharka loo yaqaan Huudheyda, waxay na halkaas ka gaysteen dhac iyo burburin ka dhan ah goobaha ganacsi ee dadka shacabka.
Ganacsatada suuqan oo warbaahinta la hadlay, waxay sheegeen in aan lagu wargelin inay alaabtooda ka rartaan suuqa, waxay sidoo kale sheegeen in loo diiday inay galaan goobta si ay usoo daabushaan dharka ay iibinayeen.
Ganacsatada dhaca loo gaystay oo u badan haween, ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadka Riddada ay rarteen alaabihii halkaas u yiillay, waxay sidoo kale ka dhawaajiyeen in wixii soo haray ay maleeshiyadaasi cagaf-geliyeen oo ay burburiyeen.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegay in falkaas ay hoggaaminayeen saraakiil uu ka mid yahay guddoomiyaha kooxda Riddada ah ugu magacaaban degmada Howlwadaag, waxay wararku intaas ku darayaan in markii dhaca iyo boobka dhuleed ay gaysteen maleeshiyada Riddada ay goobta xirteen oo ay jiingado kusoo wareejiyeen.
Waxay tani qayb ka tahay boobka dhuleed ee madaxa kooxda Riddada ah ka wadaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, dhul-boobka ayaa si isku mid ah u saameeyay dhulalka danta-guud iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, haddii ay ahaan lahaayeen guryaha la deganyahay, kuwa furan iyo goobaha ganacsiga.