Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo ka dhacday mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Maleeshiyaadka katirsan kooxda Riddada Soomaaliya ayaa weerar hubaysan ku qaaday xaafadda Buula Muuxaay ee degmada Kaaraan, sida ay sheegeen dadka deegaanka maleeshiyaadka ayaa si bareer ah utoogtay dad shacab ah oo si ammaan ah ku joogay guryahooda.
Ugu yaraan 2 qof shacab ah ayaa ku dhintay toogashada ay geysteen maleeshiyaadka murtadiinta, wararku waxay sheegayaan in murtadiinta weeraray xaafadda Buula Maaxaay ay doonayeen in ay boobaan dhulalka shacabka ee xaafadaasi kuyaalla.
Ehellada dadka lalaayay oo caraysan ayaa weerar loo adeegsanayay dhagxaan kala hortagay murtadiinta dhibaatada geysanayay kadibna cadowga ayaa ku jawaabay rasaas nool-nool waxaana ku dhaawacmay 9 ruux.
Dumar goob joog u ahaa musiibadii dhacday ayaa warbaahinta usheegay in ay soo weerareen arxanlaawayaal horor ku ah hantidooda iyo naftooda.