Barqanimadii maanta maleeshiyaad ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya ayaa wiil dhalinyaro ah waxay ku toogteen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cabdullaahi, iyadoo da’diisu aheyd 17 jir.
Ruuxaan ay toogteen maleeshiyaadka Riddada ayaa la dilay isaga oo ku sugnaa albaabka dugsiga uu ku bartay Qur’aanka kariimka ah.
Ehelada wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wiilkooda loo toogtay si kas ah, maleeshiyadii dilka geestayna ay goobta isaga baxsadeen.
Maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ayaa dhaqan iyo caado uleh inay si bareer ah u toogtaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan Muqdisho, dhacdadaan ayaana ku biiraysa dilal iyo xadgudubyo xargaha goostay oo ka socda magaaladaasi.