Maalmihii u dambeeyay amni darro baahsan, ayaa lasoo wariyay inay ka taagnayd degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo dhibaatooyin ay ka gaysteen maleeshiyo uu maamulka ashahaada la dirirka Puntland halkaas geeyay.
Maleeshiyadan ayaa lasoo wariyay in lagu soo daadiyay xaafadaha iyo suuqyada magaalada, waxayna dadka shacabka ah sheegeen in rassaas tiro beel ah ridayeen maleeshiyadaasi, sidoo kalena ay mobillada gacanta ka dhacayeen dadka shacabka ah.
Qaar ka mid ah xubnaha xildhibaannada waxay ugu yeeraan golaha deegaanka ee degmada Badhan, ayaa xaqiijiyay dhibaatooyinkan, waxayna sheegeen in maleeshiyadaasi dadka shacabka kula kaceen dhac, cabsi gelin iyo boob.
Dhaca, boobka iyo bililiqada ka dhanka ah dadka shacabka ah, waa mid ay ka wada siman yihiin maleeshiyada maamullada murtadiinta ah ee ay saliibiyiintu ka dhisteen waddanka.