Maleeshiyo taabacsan kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa maanta ku wada dagaallamay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo labada dhinac uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu kasoo gaaray.
Dagaallka ayaa qarxay markii garab ka mid ah maleeshiyadaasi ay weerar ku ekeeyeen xarumaha maamulka Riddada ee degmada Jalalaqsi, kaddib markii ay is qabteen maamulka Riddada ee degmadaasi.
Dagaalka ayaa xoogeystay markii ay kusoo biireen maleeshiyaad uu wato guddoomiyaha Riddada ee degmada Jalalaqsi, waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyay dhimashada laba ka mid ah maleeshiyadii Riddada ee ku dagaallamay degmadaasi.
Tiro kale ayaa lasoo wariyay inay ku dhaawacmeen dagaalkan maanta ka dhacay degmada Jalalaqsi, waana mid ka mid ah iska hor’imaadyada dhex-mara maleeshiyada murtadiinta ah.