Howlgal qarax ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab caawa ka fuliyeen gudaha degmada Luuq ayaa lala eegtay fariisin ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan kuwa sirdoonka ee NISA. waxaana jira khasaare soo gaaray Riddada.
Dhanka kale. faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanka Buufow iyo degmada Jannaale ee wada dhaca wilaayada Sh/hoose ee dhacda koonfurta Soomaaliya.
Howlgalka Allah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa wararkii ugu dambeeyay waxay xaqiijiyeen in dhaawaca murtadiinta soo gaaray uu yahay laba askari, halka ciidamada mujaahidiintu howlgalkaasi kusoo qaniimeysteen hal Mooto oo ay wateen murtadiinta.