Ciidamada guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxay saaka howlgal qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo la ciidameeynayey, kuwaasi oo ku sugnaa xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa si wayn looga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in uu gaystay khasaare culus oo soo gaaray maleeshiyaadka murtadiinta, wixii faahfaahin ah ee howlgalkan kasoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonnaa Insha’Allaah.
Dhanka kale, dagaallo in ka badan 3 jeer lagu jabiyey maleeshiyaadka Riddada ayaa saaka waxay markale ka dhaceen duleedka degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan.
Dagaalladaasi waxaa lagu dilay tiro murtadiin ah oo uu kamid ahaa murtad lagu magacaabi jiray Cabdi Yuusuf Salaad [Cabdi Goomeey] oo ahaa mujrim muddo ay ku raad joogeen mujaahidiinta.