Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maleeshiyo Uu Soo Abaabulay Maamulka Abiy Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Soomaali-galbeed.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyo Uu Soo Abaabulay Maamulka Abiy Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Soomaali-galbeed.

August 26, 2025

Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay tuulada Bangool oo hoos-tagta degmada Hudhet ee gobolka Daawa ee dhaca dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga nasaarada Itoobiya.

Dilkan oo si ula-kac ah loo fuliyey ayaa lagu soo warramayaa in ay geysteen maleeshiyaad hubaysan oo salaaddii Maqrib ee xalay kagadaal weerar qorshaysan kusoo qaadday tuulladaasi, kuwaas oo halkaasi ku khaarajiyey saddex wiil oo dhalinyaro ah oo hal qoys kasoo wada jeeda.

Saddexdan wiil ayaa la dilay iyagoo ku hawllan xaraynta xoolo u badan Geel, waxaana goobtaasi isla markiiba ka baxsaday maleeshiyaadkii dilkaasi geystay sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo warbaahinta maxalligu ay soo xigatay.

Dhowr cisho ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale wiil dhalinyaro ah oo la joogay Geel, ay maleeshiyaad hubaysan soo weerareen kuna dileen tuulo hoos-timaadda degmada Deka Suftu (Dhiikaa Suuf) ee gobolka Liibaan oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya.

Sida warar hoose oo aanu helnay ay sheegayaan, maleeshiyaadkan oo gacan-saar la leh ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa muddooyinkan dambeba dhibaato xooggan ku hayay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan deggaannadaasi, kuwaas oo sida la sheegay abaabulkooda uu ka dambeeyo maamulka saliibiga ah ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Geesta kale degmada Dhanaan oo shalay lagu xasuuqay dad shacab ah ayay wararku sheegayaan in lagu soo daad-gureeyey maleeshiyaadka Liyuu Booliska oo aad u fara badan, kuwaas oo habeennimadii xalayna mamnuucay isu socodkii bulshada kadib markii ay Bandow kusoo rogeen magaalada.

Sidoo kale waxaa maleeshiyaad badan lasoo dhoobay tuulada Shiniile oo hoos-timaadda degmada Dhanaan, waxaanay wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in magaalada Jigjiga uu ku geeriyooday mid ka mida dadkii shalay ay xasuuqeen maleeshiyaadka Liyuu Boolisku.

Tirada dhimashada ayaa noqonaysa laba qof oo Rayid ah, waxa kaloo wararku ay tibaaxayaan in ay jiraan dad shacab ah oo la jiifa dhaawacyo garaab ah oo shalay ay soo gaarsiiyeen maleeshiyaadka Riddada Liyuu Booliska ee dabaqoodhiga u ah maamulka Abiy Axmed.

Dadka la laayay kasakow, waxaa iyaguna jira dad fara badan oo shacab ah oo saacadihii u dambeeyey maleeshiyaadka Liyuu Boolisku ay xabsiyada ku gureen, kuwaas oo badankooda laga soo ururiyey degmada Dhanaan ee gobolka Shabeelle oo ka mida dhulka Soomaali-galbeed ee ay xoogga ku haysato dowladda saliibiyadda ah ee Xabashida Itoobiya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-03-1447-Hijri.
Next: Gacan-yare Guddoomiye Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Sh/hoose.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-09-1447-Hijri

March 5, 2026
Daawo Qaybta 1-aad Taxane Cusub Oo Loogu Magac-daray {وتواصوا بالحق وتواصوا بالصبر}.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 1-aad Taxane Cusub Oo Loogu Magac-daray {وتواصوا بالحق وتواصوا بالصبر}.

March 5, 2026
Roobabka Gu’ga Oo Ka Curtay Deegaanno Dhaca Koonfurta & Bartamaha Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Roobabka Gu’ga Oo Ka Curtay Deegaanno Dhaca Koonfurta & Bartamaha Somalia.

March 5, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada