Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • MAQAAL: Qaylodhaanta Warbaahinta Caalamka ee Burburka Xukuumadda Xamar. WQ: Nageeye.
  • Allposts
  • Warar

MAQAAL: Qaylodhaanta Warbaahinta Caalamka ee Burburka Xukuumadda Xamar. WQ: Nageeye.

August 14, 2025

Wax ka yar afar todobaad gudahood, warbaahinta caalamka ugu afka dheer iyo xarumaha cilmibaadhista ayaa si isku mid ah uga digay burburka aan laga baaqsan karin ee xukuumadda Xamar iyo guusha aan la joojin karin ee Al Shabaab. War nuxurkiisu yahay ‘Soomaaliya waxa ay qarka u saarantahay in ay la wareegaan Al Shabaab’ ayaa dhinacyada oo dhan ka soo yeedhaaya.

Badhtamihii July, 2025ka, Wakaaladda Wararka Reuters ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa saadaalisay in Al Shabaab ay qarka u saaranyihiin in ay la wareegaan Soomaaliya, ka dib markii ay soo jabiyeen difaacyadii malleeshiyaadka xukuumadda Xamar.

Dhammaadkii July, 2025ka, Wargeyska ‘The Economist’ ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa saadaaliyay in Al Shabaab ay dhawaan la wareegi doonaan Soomaaliya. Maalin uun ka dib, xarunta cilmibaadhista ‘The Soufan Center’ ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa daabacday maqaal ay ku saadaalisay in ay Al Shabaab dhawaan la wareegi doonaan dalka Soomaaliya.

Maalmo kooban ka dibna, Telefishinka laga leeyahay dalka Qatar ee Al Jazeera ayaa baahiyay muuqaal uu ku sheegey in Muqdisho ay go’doonsan tahay, dhawaanna ay geli doonto gacanta Al Shabaab.

Dhiniciisa, Kannaalka War Fronts ayaa isaguna baahiyay muuqaal ku saabsan isfidinta Al Shabaab. Warbixinta War Fronts waxa lagu yidhi ‘Al Shabaab lama joojin karo, waxaanay la wareegi doonaan Muqdisho’. Dhawr maalmood ka dib, Wargeyska laga leeyahay dalka Ingiriiska ee ‘The Telegraph’ ayaa qoray falanqayn ku saabsan saadaasha dhaw ee tilmaamaysa la wareegidda Al Shabaab ee Soomaaliya. Warbixinta ‘The Telegraph’ waxa lagu sheegey ‘Soomaaliya waxa ay haysaa jidkii Afghanistan’.

Dhinaca kale, dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey ‘The Hill’, France 24, CTC SENTINEL, New York Times, First Post iyo tobannaan kale oo ah xarumo warbaahineed ama cilmibaadhiseed oo dunida caan ka ah ayaa saadaaliyay burburka xukuumadda Xamar.

Farriimahani waxa ay imaanayaan xilli gaaladu ay quus ka joogaan qabsashada Soomaaliya, si dhab ahna ay u kala daateen carrotuulkii ay muddada dheer dhaqaalaha ku bixinayeen, adeegeyaashuna ay ku murmayaan xaafado kooban oo ku yaalla magaalada Xamar iyo xafiisyada sooduuleyaasha ee Xalane, halka qaarkoodna ay mar horeba gabbaad ka dhigteen magaalooyinka Nairobi, Qaahira, Doha iyo Istanbul.

Xaqqiiqo ahaan, diyaaradaha Ameerikaanka iyo taangiyada Afrikaanka la’aantood, marna ma sii jiri karto xukuumadda Xamar, diyaaradaha Ameerikaanka iyo taangiyada Afrikaankuna waligood ma joogi doonaan Soomaaliya, bixitaankoodana waxa xiga Jihaadiyiinta oo daaqadaha uga daata Villa Soomaaliya, waddooyinka Muqdisho oo dabaaldegyo ka bilawdaan iyo dawladaha caalamka oo dhambaallo isdaadraacin ah kasoo dira dacallada dunida. Tani waa runta weyn ee soo socota, waana mid la wada sugaayo.

Soomaalidii naga faqdiyo; fulaygu yeelkiiye,

Ninkii fahan yar iyo kii habraday; doodda haw furine,

Fooraha colaaddeed nin raga; waajib baa farane,

Foolaadka iyo geesigii; loo fadhiyi waaye,

Mar haddii Qur’aan lagu furfuro; jiidhe furimaaye,

Fannaaniinna uma baahna iyo; heeso fara weyne,

Fasalkiyo daruuraha cirkaan; kuu fasirayaaye,

Filashada hagaagtiyo nasrigu; foolka ina siiye,

Gumaysiga farriin dhiig ku qoran; faraha loo saarye,

Fahmoguurku waatuu ku dhacay; xalayto fiidkiiye,

Foodsaarihii iyo ka dide; foosha dirireede,

Waxaan faraska ugu taagannahay; hiilka Falastiine!

  • Fahmoguur, 2025

Nageeye

August, 2025

[i] Faahfaahin: https://www.reuters.com/world/africa/al-shabaab-captures-central-somali-town-presses-with-advance-2025-07-14/. (Accessed August, 2025).

[ii] Waxa aad ka eegi kartaa: https://www.economist.com/middle-east-and-africa/2025/07/24/somalias-state-building-project-is-in-tatters. (Accessed August, 2025).

[iii] Faahfaahin: https://thesoufancenter.org/intelbrief-2025-july-24/. (Accessed August, 2025).

[iv] Faahfaahin ka eeg: https://youtube.com/shorts/oWklR46OrAE?si=vt04ejZr4k6prx1W. (Accessed August, 2025).

[v] Faahfahin ka eeg: https://youtu.be/cKAhkGJrV6A?si=7FEezKMiHa_rbcJy. (Accessed August, 2025).

[vi] Faahfaahin ka sii raac: https://www.telegraph.co.uk/world-news/2025/08/10/somalia-gripped-by-fears-of-militant-islamic-uprising/. (Accessed August, 2025).

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Barnaamijka Andalus Podcast Oo Lagu Waraystay Sheekh Cabdil Ilaah.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-07-1447 Hijri.

January 17, 2026
Xuuthiyiinta Oo Ku Goodisay Weeraro Ka Dhan Ah Masaalixda Yahuudda Ee Waqooyiga Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Xuuthiyiinta Oo Ku Goodisay Weeraro Ka Dhan Ah Masaalixda Yahuudda Ee Waqooyiga Somalia.

January 17, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-07-1447-Hijri.

January 17, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada