Maalinku waa Sabti, xilliguna waa salaada Cishaha kadib. Waxaa noo dhamaaday bishii Ramadaan, waxaanan shalay oo Jimca ahayd soo qaadanay farxadii Ciida Soonfur. Sida caadiga ii ah, aniga iyo cid walba oo la socota dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxaan xilliyadaan oo kale ka war doonaa mareegaha iyo baraha bulshada ee ay kooxdu ku faafiso muuqaallada uu ururku soo saaro ee loogu magac daro “Hadiyadda Ciidda”.
Waa muuqaallo sanad walba laba jeer soo baxa, gaar ahaan ciidaha Islaamka ee Soonfur iyo Carafa.
Muuqaalka ciiddan soo baxay wuu ka duwanaa muuqaalladii hore, wuu ka xiisa badanaa, wuu ka farsamo qurxoonaa, dareen Ahaana wuu ka saamayn badnaa. Waxaan isleeyahay wuxuu si isku mid ah xusuus ugu reebi doona dad badan oo Shabaabka jecel, kuwa neceb iyo kuwa dhexdhexaadka ah hardanka socda intaba.
Magaca muuqaalku waa “U hiillinta kuwa la dulmiyey” waxaa lagu falanqaynayaa sida uu ururku ugu dadaalo inuu jabsado xabsiyada cadawgiisa, maxaabiista ku xirana xargaha uga soo furo. Wuxuu ururku arinkaas u arkaa waajib diini ah, sida ay wax badan ku celceliyeen hoggaankooda sare, waxayna ila tahay in dad badan oo xog-ogaal u ah silaca ka taagan xabsiyadaas ay arinkaas ku taageersan yihiin Xarakada.
Haddii aan u soo laabto muuqaalka aan daawaday, marka laga soo tago weerarka lagu qaaday Godka Jilicoow oo ah xabsiga ugu sumcadda xun Soomaaliya, fashilka amni ee ku dhacay hay’adaha amniga dawlada marka la fiiriyo sida sahlan ee xaruntaas muhiimka ah loo weeraray, aniga waxaa si gaar ah ii soo jiitay dagaalyahanada weerarka fuliyay.
Cali Dheere Xujjo ayuu oogay.
Sheekh Cali Maxamuud Raage – Cali Dheere- waa shakhsiga ugu caansan madaxda Al-Shabaab. Hadii aanan qaldanayn, wuxuu afhayeenka ururka soo ahaa muddo 17 sano ah, laga soo billaabo 2009 ilaa maanta oo aan 2026 ku jirno, sidaas darteed wax lala yaabo ma ahan inuu filim ururku soo saaray kasoo muuqdo, balse markaan wuu ka duwanaa sidii lagu yaqiinay. Cali Dheere wuxuu filimka ka soo muuqday asagoo la dardaarmaya dagaalyahanada weerarka ku qaadaya Godka Jilicoow, taas iyaduna ma ahan mid tilmaam gaar ah xambaarsan oo marar badan ayaa la arkay asagoo dagaalyahano la dardaaramaya.
Markaan afhayeenku dhalinyada uu sabootinayo waxaa ku jira Cabdiraxmaan Sheekh Cali oo ah wiil uu dhalay Sheekh Cali Dheere. Cabdiraxmaan waa wiil caata ah, edeb ka muuqato, afgaaban, da’diisuna waxay foodda gelisay 20 sano sida muuqaalka lagu xusay.
Anigoo isku tiriya dadka ugu xog-ogaalsan xaaladihii uu soo maray ururka Al-Shabaab maadaama aan muddo dheer wararkooda la socday, waxay ii ahayd markii ugu horeysey ee aan arko hogaamiye sare oo ka tirsan ururka oo wiil uu dhalay u diraya goob dagaal oo uusan kasoo laaban doonin. Way jiraan hogaamiyeyaal badan oo wiilashooda dagaallo lagu dilay, kuwo la duqeeyay iyo kuwo gacanta cadawgooda galay oo la qabtay, balse waa markii ugu horeysey ee aan arko hogaamiye wiilkiisa u diraya hawlgal inghimaasi ah oo aanan kasoo laabasho lahayn.
Waxay dad iga sii xog-ogaalsan oon arintaan kala sheekeystay ii sheegeen in uu jiro hogaamiye ururka ka tirsan oo isaguna sidaan oo kale wiil uu dhalay u diray hawlgal noocaan ah, waa Sheekh Yuusuf Kabakutukade, oon anigu ula baxay “sunta ka ilmaysiisa madaxweyne Xassan Sheekh”
In nin hogaamiye ama waalid ah uu wiilkiisa u diro hawlgal Jihaadi ah oo aanan soo laabasho lahayn, waa wax ku xusan taariikhda Islaamka, balse inta aan ka warqabo, ma ahan dhaqan lagu yaqaanay hogaamiyeyaasha Soomaalida ah. Qofkii xaqiiqo taas ka duwan haya asaga ayaa noo sheegi doona.
Al-Shabaab tagtay oo tallaabsatay!
Marka aan si fiican u daawaday muuqaalka Cali Dheere oo garabka haysta wiilkiisa duullaanka u socda, hortiisana ay taagan yihiin dagaalyahanada kale oo ay wajiyadooda ka muuqato farxad iyo qanacsanaan, waxaa ii soo baxay xaqiiqo aysan dad badan jeclaysan doonin balse aan hubo inay indhahooda saari doonaan, hadiiba Ilaahey cimrigooda dheereeyo.
Shabaabku waxay dhisan yihiin 24 sano sida aan taariikhda ku arkay, jiilka maanta dagaalamaya badankood waa dhalinyaradii dhalatay intii uu ururku dhisnaa, qaarkoodna waa ubadkii madaxda iyo mas’uuliyiinta, iyo ciidanka xarakada.
Waxaan hubaa in Ilaahey diinkiisa ay guulaysan doonto, Shareecaduna xilli dhow Soomaaliya iyo adduunka oo dhan xukumi doonto. Hadalkaas waxaan jecleysan doonin duulalkii cilmaaminiyiinta Soomaaliyeed ahaa ee astaantoodu ahayd “ Diin ma ku dhaqanaa, I would say no”, balse arinkaas inuu soo bidhaamayo waa shaki la’aan.
Al-Shabaab waxay hore uga gudbeen ugana xoroobeen caqabado badan oo ummadda Soomaaliyeed ragaadiyey kuwaas oo kala ah, Qabyaaladda, Qawmiyada iyo shisheeye ku tiirsanaanta, maantana waxay ka xoroobeen dacaayadii ahayd in aysan ubadkooda dagaallada u dirin, balse ay caruur dad kale dhaleen dabka ku shubaan.
Muuqaalka Sheekh Cali Dheere oo curadkiisa sii sabootinaya wuxuu farriin u yahay cid walba oo shaki ka qabtay xaqnimada halganka Shabaabku kula jiraan cadawgooda ee ka kooban shisheeyaha dalka ku soo duulay iyo saaxiibadooda Soomaalida ah, wuxuu xujjo ku yahay hoggaanka kale ee Xarakada oo iyagana laga rabo inay dhabahaas kaga daydaan afhayeenkooda, wuxuuna soo afjarayaa dacaayaddii madhalayska noqotay ee ahayd in dagaalka Shabaabku yahay mid siyaasi ah, hoggaankooduna yihiin dad madaxtinimo iyo maal raadinaya, ubadkooduna guryo uga iibiyeen Yurub, America iyo khaliijka sida madaxda dowlada Soomaaliya.
W/Q: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Stockholm, Sweden