Sida ay wararku tibaaxayaan, maraakiib xamuul ah oo shidaal u sidday waddanka Itoobiya ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin gacanka carabta, halkaas oo ay taagnaayeen tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Maraykanka iyo Yahuuddu ay ku qaadeen dalka Iiraan.
Wasaaradda Ganacsiga Itoobiya ayaa xaqiijisay in saddex markab oo Itoobiya u wadday 180,000 tan oo shidaal ah ay ku xayiran yihiin Gacanka Carabta kadib markii Iiraan ay xirtay marin-biyoodka Hormuz sababo la xiriira colaadda sii huraysa ee Bariga Dhexe.
Maraakiibtan oo ay ku raran yihiin 120 Kun oo tan oo Naafato ah iyo 60 Kun oo tan oo shidaalka diyaaradaha ah ayay wasaaraddu sheegtay inay kusii jeedeen dekedaha Jabuuti, balse dagaalka Bariga Dhexe uu ku qabsaday iyagoo maraya gacanka carabta, halkaasna wakhti-xaadirkan ay ku xanniban yihiin.
Caqabadda ku timid maraakiibtan ayaa sababtay in la hakiyo heshiiskii shidaalka ee Itoobiya la lahayd Kuwayt, kaas oo daboolayay 60% baahida Naafatada iyo 100% baahida shidaalka diyaaradaha. Waxaanu maamulka Abiy uu ku qasbanaaday in shidaal ku-meel-gaar ah uu ka raadsado suuqyada qaaliga ah.
Warsaxaafadeedka Wasaaradda Ganacsiga Itoobiya ayaa lagu xusay in suuqyo kale laga soo iibiyey shidaal degdeg ah oo qaaliya, kaas oo qiimihiisu u dhaxeeyey $86 ilaa $93 Dollar halkii foosto, isagoo sababay in qiimaha shidaalku uu si aad ah sare ugu kaco gudaha Itoobiya.
Tan iyo intii dagaalka Bariga Dhexe bilaabmay waxaa Itoobiya ay wajahday shidaal yaraan baahsan, waxaana usbuucyadii u dambeeyey la arkayay baabuur iyo bajaajyo tiro-beel ah oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha shidaalka lagu iibiyo.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeyn qoto-dheer oo wargeyska Addis Standard sameeyey ayaa muujinaysa in dhibaatada shidaal-yaridu aanay ka dhalan oo kaliya colaadda Bariga Dhexe, balse ay u dheer tahay culays dhaqaale iyo sicir-barar baaxad leh oo horey uga jiray gudaha waddanka Itoobiya.