Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku ka fiirsanayo tallaabooyin adag oo ka dhan ah Iran, xilli mudaharaadyo ballaaran oo ka dhan ah hoggaanka maamulka ay dalka ka socdaan. Wuxuu xusay in xulashooyin millateri ay miiska saaran yihiin.
Trump wuxuu sheegay in Iran wacday si looga wada-hadlo barnaamijkeeda nukliyeerka, kadib dagaal 12 maalmood socday bishii Juun oo ay Maraykanka iyo Yahuuddu duqeeyeen xarumaheeda nukliyeerka.
Nidaamkda Dahraan ayuu Donald Trump uga digay in Maraykanku weerari doono haddii ciidammada ammaanku rasaas ku furaan mudaharaadayaasha. Iyadoo xogihii u dambeeyey ee soo baxay ay sheegayaan in 490 qof oo mudaharaadeyaal ah iyo 48 ka tirsan ciidanka amniga la dilay, in ka badan 10,600 qofna xabsiyada loo taxaabay.
Trump iyo la-taliyayaashiisa sare ayaa lagu soo warramay inay ka dooddeen xulashooyin ay ka mid yihiin, weerarro militari, weerarro dhinaca Internet-ka ah, cunaqabatayn la ballaariyo, iyo taageero Onlayn ah oo loo fidiyo mucaaradka.
Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Maxamed Baaqir ayaa wax uu ku tilmaamay khalad xisaabeed uga digay dawladda Maraykanka, isagoo ku gooddiyey in Sahaayinada iyo saldhigyada Maraykanku ay noqon doonaan bartilmaameed haddii Iran la weeraro.
Trump oo hanjabaadda Iiran ka jawaabaya ayaa yiri “Haddii ay sidaas sameeyaan, waan ku dhufan doonnaa heerar aysan waligood hore u arag oo xittaa aanay rumaysan doonin waxa ku dhacaya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi raaciyey “Waxaan haystaa xulashooyin aad u xoog badan. Markaa haddii ay tallaabadaas qaadaan, waxaa lagu wajihi doonaa awood aad iyo aad u xooggan.”
Xeel-dheerayaal u dhuun-daloola arrimahan ayaa sheegay in mudaharaadyadu aysan u badanayn inay xukunka ridaan, balse ay suuro-gal tahay inay si weyn u wiiqaan awoodda taliska.
Maamulka gumaysiga Yahuudda ayaa la sheegay inay ku jiraan heegan sare, maadaama oo laga baqayo jawaab-celin Iiraan ka bixiso faragelin ka timaadda dhinaca Maraykanka.