Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti oo shalay soo saartay diginin culus, ayaa ku amartay muwaadiniinteeda inay muujiyaan taxaddar dheeri ah, iyadoo shaqaalaheedana kula talisay inay ka dheeraadaan aagga u dhow safaaradda iyo xerada milateriga ee Maraykanku ku leeyahay dalkaasi ee Camp Lemonnier (Koo Lemooniyee).
Bayaankan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in la baajiyay dhammaan ballamihii caadiga ahaa ee qunsuliyadda, isla markaana la dhimay tirada shaqaalaha goobta jooga, inkastoo safaaraddu ay xustay in weli ay bixinayso adeegyada degdeg ah ee loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka.
Safaaradda Maraykanka ee dalka Jabuuti waxay shaacisay in digniintan dhanka amniga ah ee soo baxday ay la xiriirto xiisadaha gobolka ee sii kordhaaya iyo sidoo kale hanjabaadyo ay sheegtay in loo jeediyay danaha Mareykanka.
Digniintan xasaasiga ah ee kasoo baxday maamulka Washington ayaa kusoo beegmaysa xilli uu si weyn u xoogeystay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Yahuudda iyo xulafadooda oo isku dhinac ah iyo dowladda shiicada Iiraan.