Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ee mujaahidiinta ayaa lagu xaqiijiyay in duqayn dhanka cirka ah oo saliibiyiinta Maraykanku ka gaysteen jaziiradda Kudhaa lagu dilay 17 maxaabiis dagaal oo murtadiin ah, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii shalay ka dhacay jaziiraddasi ee sida wayn loogu jebiyay maleeshiyada Riddada Jubbaland.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in uu kordhay khasaaraha dhimasho ee murtadiinta lagu gaarsiiyay weerarkii cuslaa ee ka dhacay jaziiradda Kudhaa, dhimashaduna gaartay 132 iskugu jirta saraakiil iyo askar. Mujaahidiinta ayaa sidoo kale soo ghaniimaystay hub iyo saanad ciidan oo aad u badan, ciidanka mujaahidiintuna inay dib uga soo bexeen Jasiiradda Kudhaa ayuu talisku sheegay kaddib markii uu – Allaah fadligiis – hawlgalkii si guul ah ugu soo dhamaaday.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka Taliska Ama Hoos Ka Akhriso.
Mareykanka_oo_Duqayn_Ku_Dilay_Maxaabiistii_Murtadiinta_ee_KudhaaHaddaba halka hoose waxaad ka daawan kartaa sawirrada maxaabiista saraakiisha iyo askarta murtadiinta Jubaland ee shalay lagu qabtay dagaalkii Kudhaa, balse lagu dilay duqayn ay diyaaradaha Maraykanku kula beegsadeen goobtii lagu hayay.













