Dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa markale ku celisay in ay hakinayso qarashkii ay maleeshiyaadka kooxda Riddada siin jirtay si ay usii wadaan howlgalladooda ashahaadda ladirirnimo.
Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in marka lagaaro bisha May ee sanadkan la joojinayo dhammaan saadkii iyo taakuladii uu Mareykanku siinayay maleeshiyaadka Bangaraafta.
Sarkaal American ah ayaa usheegay wargeyska The Daily Wire in wax uu ugu yeeray kaalmadii lasiin jiray kooxda Riddada lajoojin doono bisha 5aad ee sanadkan isagoo usababeeyay boob ay murtadiintu ugeysteen raashin gaarayay 76 tan kaasi oo qaab suuq madoow ah loo lakala iibsaday.
Marco Antonio Rubio oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa lafilayaa in uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo musuq maasuqa ay madaxda murtadiinta soomaalida ay ku sameeyeen kaalmadii ay bixin jireen.
Go’aankan uu qaatay Mareykanka ayaa saameyn doona kumanaan maleeshiyaad ah oo katirsan kooxda Riddada kuwaas oo loosoo carbiyay ladagaallanka islaamka iyo ehelkiisa.
Tan iyo markii uu Trump dib ula wareegay talada Mareykanka ayuu soo saaray go’aanno uu dhaqaalaha uga jirtay dhowr dowladood Afrikaan ah