War-saxaafadeed kasoo baxay dawladda saliibiyada Maraykanka ayaa lagu sheegay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyey dhammaan codsiyada socdaalka ee ka imanaya 19 waddan.
Hay’adda socdaalka ee USCIS ayaa jimcihii lasoo dhaafay hakisay dhammaan habraacyada magangelyo-doonka.
Madaxa hay’adda USCIS, Joseph Edlow, ayaa ku sababeeyay arrintan baahida baaritaanno aad u adag oo lagu sameeyo ajaanibta.
Dalalka uu go’aankan saameeyay waxaa ka mid ah: Somalia, Afganistan, Sudan, Libya,Yemen, Iran, Turkmenistan, Venezuela, Cuba, Haiti, Sierra Leone, Equatorial Guinea, iyo Chad.
Qaar ka mid ah dalalka laga joojiyay codsiyada socdaalka ayaa horey ugu jiray liiska dalalka uu Trump xayiraadda saaray.
Tallaabadan ayaa timid toddobaad kadib weerarkii lagu dilay labo askari oo ka tirsan National Guard oo ka dhacay Washington, isla markaana Trump uu sii xoojiyey hadalladiisii ka dhanka ah bulshada Soomaaliyeed.