La-taliyaha madaxweynaha Mareykanka ee arrimaha Afrika, gaalka lagu magacaabo Muscad Boolos, ayaa ka dayriyey xaaladda amni ee kooxda Riddada Soomaaliya, waxaanu shaaciyey in dawladda Saliibiyadda ah ee Maraykanku ay ka walaacsan tahay koboca awoodeed ee Geesiyada Tawxiidka ee Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Waraysi uu siiyey Warbaahinta Al-Jaziira, ayuu Muscad Boolos ku sheegay in Kooxda Riddada Soomaaliya uu xaalkoodu haatan aad u liito, halka Mujaahidiinta Al-Shabaa-na ay ku tallaabsadeen ayuu yiri horumar baaxad leh, iskuna fidinayaan dhul aad u ballaaran.
“Arrinta Soomaaliya, dabcan, xaaladdu aad ayay u xun tahay, runtii. Waxay soo martay marxalado kala duwan, laga yaabee marxaladaha qaar waxaan aragnay xoogaa horumar ah, laakiin xaaladdu dhowaanahan aad ayay u xun tahay. Waxaan aragnaa in Al-Shabaab ay horumar samaynayaan oo ay isku fidinayaan dhul aad u ballaaran oo ka kooban tuulooyin, deegaanno, iyo magaalooyin. Waana arrin aad looga welwelo…”
La-taliyaha M/weyne Trump, Gaal Muscad Boolos ayaa dhanka kalena si guud walaac xooggan ka muujiyey xaaladda amni ee Geeska Afrika, waxaanu hadalkiisani imanaya xilli uu fashilmay duullaankii saliibiga ahaa ee dalka lagu soo qaaday isla markaana mujaahidiintu ay wadaan hawl-gallo aad u xooggan oo Allaah fadligiis ay kula wareegeen deggaanno badan oo dhaca labada Shabeelle iyo Hiiraan.