Diyaaradaha dagaalka ee saliibiyiinta Mareykanka, ayaa mar kale maanta duqayn ka geystay magaalada Kuunyo-barrow ee gobolka Sh/hoose, iyagoo beegsaday xaruntii labaad ee shirkadda korontada KECO.
Shirkadda oo korontada siin jirtay kumannaan qoys oo magaalada iyo nawaaxigeeda deggan ayay shalay Mareykanku duqeynta ku billaabeen, waxayna burburiyeen xaruntii koowaad, maantana waxay beegsadeen xaruntii labaad ee shirkadda.
Duqeyntan marka laga yimaado iney burburisay matoorkii shirkadda, waxaa ku dhaawacmay 3 qof oo shacab ah, 1 qof waa rag 2 waa dumar ay mid tahay gabar yar oo xoolo biyo u dhaaminaysay.
Bulshada ku dhaqan magaalada, ayaa aad uga careysan dhacdooyinkan uu ku kacay Mareykanka, waxayna u arkaan fal ula kac ah oo lagu cuuryaaminayo noloshooda, maadaama korontadu ay ku xiran tahay hawlaha bulshada oo dhan sida ganacsiga, waxbarashada, bilicda iyo nolosha kale.
Arrintan ayaa u muuqata mid lagula dagaalamayo dhaqaalaha ummadda xilli ay jiraan abaaro saameyn ku yeeshay shacabka. Mareykanka ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan beegsaday shirkaddii Daruur ee degmada Saakow oo soo saari jirtay biyaha nadiifka, iyadoo sidaas oo kale beegsatay xarumo taa lamid ah oo ay dadka shacabka ah leeyihiin.