Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Mareykanka oo sheegay in Maleeshiyaadka dowladda aysan iska caabin karin Al Shabaab.
  • Allposts
  • Warar

Mareykanka oo sheegay in Maleeshiyaadka dowladda aysan iska caabin karin Al Shabaab.

June 27, 2020

Warbixin sanadeed looga hadlayay olole-dagaaleedka Islaam la dirirka ah ee ay horboodeyso xukuumada Washington oo ay soo saartay wazaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xarakaatka Islaamiga ee ka jihaadaya qaarada Africa ay sii xoojiyeen dagaalada islamarkaana ay u hanqal taagayaan inay isku fidiyaan deegaano hor leh.

Bariga Afrika iyo Galbeedka Afrika ayay warbixintu sheegtay in ay sanadkii lasoo dhaafay martigeliyeen weeraro aad u xooggan oo ay geysteen xarakaatka Jihaadiga ee hoostaga Al-Qaacida, waxaana ay sheegeen inay Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka ay iyaguna qaadeen olole-dagaaleed cadaadis lagu saarayo kooxahaasi.

Mar warbixintu ay soo hadal qaadday bariga Afrika waxaa lagu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weli leedahay awooda ay ku maamusho deegaano ballaaran oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya taas oo weli u sahleysa in ay helaan ciidamo cusub oo kusoo biiraya sufuuftooda iyo dhul ay kasoo abaabulaan weerarada dillaaga ah ee ay ka fuliyaan gudaha dalka iyo wadamada dibadda intaba.

Warbixintu waxay sheegtay in maleeshiyaatka xukuumada Federaalka Soomaaliya  aysan awood u lahayn in ay ka adkaadaan Xarakada  Al-Shabaab ayna weli awoodda kooxda villa Soomaaliya ku tiirsantahay ciidamada Afrikaanta ee uu wakhtigoodu sii dhammaanayo taas oo markale dib u soo cusbooneysiinaysa walaaca ay gaaladu ka qabaan bixitaanka ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Xog uruurin ay sameysay wazaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayay ku sheegeen in sanadkii lasoo dhaafay ay fulisay in ka badan kun weerar oo kala duwan oo ka kala dhacay wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in Kenya ay noqotay dowladda ugu horreysa ee dhibanaha u ah weerarada Al Shabaab marka laga hadlayo wadamada ay ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya.

Warbaahinada dalka Kenya waxay sheegeen in sanadkan aanu ku gudajirno oo kaliya uu dalka Kenya martigeliyey in ka badan 20 weerar oo badankood lagu beegsaday ciidamada Police-ka iyo kuwa military-ga.

Warbixinta ay soo saartay wazaarada arimaha dibadda ee Mareykanka waxaa lagu sheegay in marka laga yimaado inta ay la egtahay tirada weerarada Al-Shabaab ay dhanka kale weeraradu ahaayeen kuwo dilaa ah oo beegsanayay bartilmaameedyo muhiim ah oo dhabarjab ku lahaa olole dagaaleedka ay iska kaashanayaan Mareykanka iyo dowladaha gobolka.

“Al-Shabaab waxay fulisay weeraro waaweyn oo beegsanayey bartilmaameedyo muhiim ah, sida madaxda sarsare ee dowladda iyo hogaamiyeyaasha si ay u majaxaabiso awoodda iyo waxtarka dowladnimo ee xukuumada Soomaaliya” ayaa lagu yiri warbixinta.

Wazaarada arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo hadal qaaday dhowr weerar oo dhacay sanadkii lasoo dhaafay kuwaas oo ay sheegtay inay tilmaan u ahaayeen  halista kooxda iyo awoodda ay u lahayd inay abaabusho weeraro dilaa ah oo lagu carqaladeynayo olole-dagaaleedkooda.

Weerarada ay soo hadal qaadeen waxaa kamid ah: weerarkii bishii Febraayo ee sanadkii hore lagu qaaday Hotelka Maka AlMukarama ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 30 ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin katirsan kooxda ridada Soomaaliya.

Weerarkii bishii Maarso ee sanadkii hore lagu qaaday dhismaha wazaaradaha kooxda ridada, kaas oo lagu dilay tobanaan oo kamid ahaa waziir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee kooxda ridada.

Weerarkii bishii Jully lagu qaaday Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo, kaas oo ay sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 27 ruux oo uu ku jiro qof kasoo jeeda dalka Mareykanka iyo howlgalkii gaarka ahaa ee bishii Jully lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Banaadir Murtad C/Raxmaan Cumar Yariisoow ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa duqeymo wuxuushnimo oo joogta ah ka wada Soomaaliya, kuwaas oo uu ku taageerayo ciidamada AMISOM  iyo maleeshiyaatka Soomaalida ah si ay ugu suuragasho inay ka adkaadaan Al Shabaab  balse qorshe dagaaleedkaas ayaa u muuqda inuu noqday mid ma dhaleys ah, waxaana warbixin sanadeedyada kasoo baxay gaashaanbuurta saliibiga laga dareemayaa in aysan weli helin istaraatijiyad naajix ah oo ay ku wiiqi karaan halganka jihaadka ee kasocda bariga Africa.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Mujaahidiinta Xurraasu-diin Oo Ka Tacziyeeyay Istish-haadka Sh Abuu Muscab Cabdul Waduud.
Next: Al Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-09-1447-Hijri

March 5, 2026
Daawo Qaybta 1-aad Taxane Cusub Oo Loogu Magac-daray {وتواصوا بالحق وتواصوا بالصبر}.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 1-aad Taxane Cusub Oo Loogu Magac-daray {وتواصوا بالحق وتواصوا بالصبر}.

March 5, 2026
Roobabka Gu’ga Oo Ka Curtay Deegaanno Dhaca Koonfurta & Bartamaha Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Roobabka Gu’ga Oo Ka Curtay Deegaanno Dhaca Koonfurta & Bartamaha Somalia.

March 5, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada