Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u dhisayso saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya halkaasi oo Sannadkii 2020-kii ay weerar ku qaadeen ciidamada Mujaahidiinta : FF
Dowladda Saliibiyadda Mareykanka ayaa shaacisay inay lacag gaarayso $70 milyan oo dollar ku dhisayso saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee ku yaalla gobalka Laamu ee dalka Kenya.
Mareykanka ayaa sheegay inuu saldhiggaani uu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta bariga Africa, sidaas darteedna ay billaabeen qorshe ay dib ugu howlgalinayaan saldhiggaasi oo horay Mujaahidiinta u weerareen.
“Waa inaan tusnaa kuwa doonaya inay na weeraraan inay naga go’an tahay in aan is-difaacno,” ayuu yiri Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Kiristofar Landaw xilli uu ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga saldhiggaasi.
Wuxuu intaasi ku daray in Kenya iyo Mareykanka ay iska kaashanayaan howlgalinta saldhiggaan kaasoo ay doonayaan inay kala dagaalamaan Mujaahidiinta.
Dhismaha saldhiggaan ayaa soo bilowday xilli uu talada dalka Mareykanka hayey madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka gaal Joe Biden kaasoo horay u sheegay inay dib u dhisayaan saldhigga Mareykanka ee Manda Bay.
Sannadkii 2020-kii ayey ahayd markii Inqhimaasiyiin ka tirsan Mujaahidiinta ay weerar ku qaadeen saldhiggaasi halkaasi oo dhimasho dhaawac loogu geystay 17 askari oo isugu jiray American iyo Kenyaan, iyadoona sidoo kale weerarkaasi lagu gubay diyaarado dagaal oo Mareykanka uu lahaa oo ku sugnaa gudaha saldhiggaasi.