Dawladda Ridada Masar ayaa lagu soo warramayaa in ay warqad cabasho ah u dirtay goloha ammaanka waxa loogu yeero Qaramada Midoobay, taasi oo ay kaga gadooday biyo-xireenka weyn ee itoobiya ee Al-Nahda oo maanta si rasmi ah loo daah-furay.
Warqadda Masar ay dirtay ayaa lagu xusay qodobo ay ku eedeysay Itoobiya, oo ay ka mid yihiin in ay diiday ka mid noqoshada heshiisyo caalami ah oo si sharciyeysan loogu qeybsado biyaha wabiga Niil.
Masar waxay sheegtay in tallaabooyinka Itoobiya ay khatar ku yihiin jiritaanka shacabka Masaarida ah, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin in xuquuqdeeda biyaha lagu xadgudbo, iyadoo ku adkeysatay in ay sii wadi doonto difaaca danaheeda.
Cabashadan ayaa imaaneysa xilli khilaafka u dhexeeya xukuumada Qaahira iyo Adis Ababa uu cirka isku sii shareerayo, iyadoo Itoobiya maanta si rasmi ah xariga uga jartay mashruuca biyo-xireenkii muranka badan dhaliyay.
Dalalka Masar iyo Suudaan labaduba waxay biyo-xireenkaasi u arkaan halis weyn oo ay lagama maarmaan tahay in laga hortago.
Lama ogo sida golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga falcelin doonaan cabashada Masar ee ka dhanka ah Itoobiya.