Madaxda iyo masuuliyiinta maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland ayaa si joogta ah u sheegaya in uu soo dhowaaday xilligii ay Maraykanka ka heli lahaayeen in loo aqoonsado dal madaxbannaan.
Wasiirka waxay ugu yeeraan arrimaha debadda ee maamulka Riddada ee Somaliland, murtad Cabdiraxmaan Aadan Bakaal ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in 30 sano oo uu maamulkiisu raadinayay aqoon caalami ah oo ay ka helaan dowladaha uu hadda u muuqanayo ififaalahaasi.
Murtadkan ayaa mar uu arrimahaasi ka hadlayay yiri “Socod dheer ayaynu soo galnay, laakiin hadda iftiinkii ictiraafka ayaa inoo muuqda, inyar ayaynu u jirnaa. Waqti yar ayuu qaadanayaa, waan ogahay. Dareenkayguna wuxuu ii sheegayaa oo aan aaminsanahay in uu muddo dhow imanayo,”.
Hadalka wasiirka waxay ugu yeeraan wasaaradda arrrimaha debadda ee maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa ayaa kusoo beegmaya xilli xubno ka tirsan garabka Trump ay ka dhawaajiyeen suuragalnimada in Maraykanku aqoonsi siin doono maamulka Riddada Somaliland.
Waxay sidoo kale tani kusoo beegmaysaa xilli maanta madaxa maamulka Riddada Somaliland murtad Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayay Hargaysa uu sheegay in maanta hasytaan meel ay dejiyaan ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Maraykanka xilli uu xarg jarayay Hotel laga dhisay magaaladaasi.
“Maanta haddii ay inoo yimaaddaan Reysal Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Immaaraatka ama madaxweynaha Mareykanku meel aynu dejinno waynu haynaa” ayuu yiri murtad Cabdiraxmaan Cirro.