Maxmakadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada Shabeellaha dhexe ayaa fulisay xukun xaddu ridda ah, kaas oo lagu fuliyay masuul katirsan maamulka Hir Shabeelle.
Fagaare weyn oo ku yaala deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa lagu toogtay Cali Cabdullaahi Xasan oo ah gudoomiyihii xaafadda Buula Sheekh ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelllaha dhexe ugu magacaabanaa maamulka Hir Shabeelle.
Dadweyne badan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa usoo daawasho tagay xukunka, waxaana xukunka ku dhawaaqay mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inta badan Wilaayaadka islaamiga waxaa ka dhaca xukuno xad ah oo ay fuliyaan maxaakiimta Islaamiga ee ay hirgelisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.