Wararka ka imaanaya dalka Kenya, ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay dhaceen shilal baabuur oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Mid ka mid ah shilalka oo si gaar ah uga dhacay Taita Taveta oo ku teedsan wadada Mombasa, ayaa waxaa galay gaari uu la socday agaasimaha guud ee dekadaha dowladda Kenya, ninka lagu magacaabo Kabtan William K. Ruto.
Masuulkan Kenyanka ah, ayaa shilka galay xilli uu safrayay qoyskiiska, qoraal maanta oo Sabti ah uu soo saaray maamulka dekadaha ee dowladda Kenya, ayaa lagu xaqiijiyay dhacdada, waxaana inta la hubiyay ku dhintay gabar uu dhalay sarkaalkaasi, halka inta kalena xarumo caafimaad la geeyay.
Dhanka kale, dad badan ayaa ku dhamaaday shil baabuur oo xalay ka dhacay waddo mashquul badan oo isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Nakuru ee dalka Kenya.
Shilka oo ay ku dhinteen 11 qof, ayaa yimid markii gaari ay saarnaayeen uu ku dhacay gaari xamuul ah oo marayay degmada Gilgil ee ku teedsan jidka mashquulka badan ee isku xira Nairobi iyo Nakuru.
Taliyaha booliiska degmada Gilgil, oo warbaahinta maxalliga la hadlay, ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay ay isla goobta ku nafwaayeen, gaariga rakaabka ah ayuu sheegay in uu ku dhacay gaariga Xamuulka ah.