Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Masuuliyiin American Ah Oo Soo Jeediyay In La Xiro Safaaradda Maraykanka Ee Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Masuuliyiin American Ah Oo Soo Jeediyay In La Xiro Safaaradda Maraykanka Ee Muqdisho.

April 10, 2025

Howlgallada barakaysan ee ay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka wadaan labada Shabeelle, Hiiraan iyo Banaadir ayaa cabsi iyo argagax daran ku riday gaalada caalamiga ee duullaanka saliibiga kusoo qaaday Somalia.

Wargayska caanka ee lagu magacaabo The New York Times ayaa daabacay maqaal dheer oo uu kaga hadlayo duullaanka Maraykanku kaga jiro Somalia iyo joogitaanka xukuumadda Washington ee waddanka.

Wargaysku wuxuu tilmaamay in ay jireen shirar u dhaxeeyay saraakiisha maamulka Trump, kuwaas oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya, inkastoo aysan natiijo rasmi ah kasoo bixin kulamadan haddana waxay soo bandhigtay soo jeedinnada qaar ka mid ah saraakiisha Trump ee ka qayb galay shirarka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Trump ayaa sheegay in horumarka ciidan ee ay mujaahidiintu sameynayeen todobaadyadii lasoo dhaafay uu abuuray walaac daran, sidaas darteedna ay soo jeedinayaan in la xiro oo albaabada la isugu dhufto safaaradda ay ku leeyihiin Xalane.

Waxay sidoo kale saraakiishan ka tirsan maamulka Trump, gaar ahaanna ka tirsan wazaaradda arrimaha debadda ay soo jeediyeen si loo sugo ammaanka loo baahan yahay in lasoo daadgureeyo oo meesha laga soo saaro inta badan shaqaalaha safaaradda.

Saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Trump, si gaar ahna u qaablisan golaha Amniga qarankiisa, ayaa sheegay inay dhankooda walaacsan ka qabaan in la xiro safaaradda, waxay sheegeen inay tallaabadaasi keeni karto inay lunto kalsoonida ay ku qabaan kooxda Riddada Soomaaliya, horseeddana in uu burbur degdeg ah ku yimaado kooxda murtad Xassan Gurguurte.

Waxay muujinayaan saraakiishan kale in haddii safaarada si rasmi ah loo xiro ay dhici karto wax la mid ah wixii ka dhacay Kaabuul oo ay si deg deg ah ku burburto kooxda Riddada Soomaaliya, halka saraakiisha kalena ay sheegeen in dagaalka aan dhammaadka lahayn ee dowladdoodu kaga jirto Soomaaliya aysan wax dan ah ugu jirin, Soomaaliyana aysan ahayn meel muhiim ah oo dan u ah Mareykanka, sida ay hadalka u dhigeen.

Maureen Farrell, oo ahayd masuulka ugu sarreeya siyaasadda qaarada Afrika ee Pentagon-ka maamulkii Biden, ayaa dhankeeda sheegtay in aysan jirin xal ciidan oo ay uga hortagi karaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Maraykanka ayaa hadda xaalad quus ah ka jooga Soomaaliya, kooxda Ridada ee uu madaxa u yahay murtad Xassan Gurguurte ayaa sannadkaan sheegtay inay waysay lacag dhan 1.5 Bilyan oo dollar oo uu Maraykanku ku siin jiray la dagaallanka islaamka iyo ehelkiisa, si gaar ahna ugu maalgelin jiray Danab oo ah murtazaqo uu Maraykanku ku adeegto.

Dowladda Maraykanku waxay sidoo kale horay u diiday inay ka mid noqoto dowladaha maalgelinaya isbahaysiga kuffaarta Afrikaanta, iyada oo si cad u diiday qaraarkii urur gaaleedka qaramada Midoobay ee lagu qiimeeyay maalgelinta howlgalka ashahaada la dirirka ah ee kuffaarta Afrikaanta ee Soomaaliya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -12-10-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -12-10-1446 Hijri.

Related Stories

Ciidanka Uganda Iyo Maleeshiyada Gurguurte Oo Lagu Qarxiyay Mubaarak.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Uganda Iyo Maleeshiyada Gurguurte Oo Lagu Qarxiyay Mubaarak.

March 3, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-09-1447-Hijri

March 3, 2026
Dhagayso Xalqada 9-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Xalqada 9-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.

March 3, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada