Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso+Dhageyso;Maxaa Kala Socotaa Saaxibtinimada Xasan Garguurte Iyo Natanyahu?.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso+Dhageyso;Maxaa Kala Socotaa Saaxibtinimada Xasan Garguurte Iyo Natanyahu?.

May 25, 2022

Warbixin uu qoray wargayska The Times Of Israel oo laga leeyahay deegaanada Yahuudu gumeysato ee Filistiin ayaa sheegay in sanadkii 2016-kii uu kulan qarsoodi ah dhexmaray dhaxmaray Ra’izul Wazaarihii hore ee Yahuuda Binyamiin Natanyahu iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas sidan oo kale ahaa madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa warbixinta wargayska lagu sheegay in Xasan sheekh Maxamuud mudadii uu xilka hayey sanadadii 2012kii ilaa 2016-kii ay DF Soomaaliya heshiis la gashay maamulka Yahuudda islamarkaana saraakiil ka tirsan Soomaaliya ay xilligaas booqasho ku tageen deegaannada ay xooga ku haystaan Yahuudda.

“Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isbuucii hore doortay madaxwayne cusub, waxayna dib usoo celiyeen hogaamiye si qarsoodi ah ula kulmay ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu sanadkii 2016-kii” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray wargayska The Times Of Israel.

Diblumaasi katirsan DFS islamarkaana si aad ugu dhaw madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wargayska u sheegay in dib ugusoo laabashada Xasan Sheekh ay tahay horumar wanaagsan oo ku aaddan hannaanka hagaajinta cilaaqaadka ee DFS iyo maamulka Yahuuda maadama uu yahay qof aaminsan jiritaanka Yahuudda iyo in lala qeybsado nolol ku dhisan nabadgalyada iyo wada noolaanshaha.

“Israa’iil ayaan xiriir diblumaasiyadeed la lahayn wadankan oo ku yaalla bariga Afrika oo ay ku nool yihiin ilaa 11 milyan oo qof. Soomaaliya oo ah dal Muslim ah oo u badan Sunni islamarkaana xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaan waligeed aqoonsan Dawladda Israa’iil ” ayaa lagu yiri warbixinta.

Diblamaasi katirsan dowladda Federaalka ayaa yiri: “Madaxweyne Xasan oo xilli hore la kulmay Binyamiin-Natanyaahu ayaa markale la doortay. Rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan madaxweynahan cusub waa mid aad u wanaagsan.” Ayuu u sheegay wargeyska wargayska.

Waxuu wargayska The Thime of Israa’iil uu sheegayaa sida ay u xaqiijiyiin mas’uuliyiin Soomaali ah in sanadii 2016-kii ay magaalada Talaabib oo ah caasimada gumaystaha Yahuudda ay booqasho ku yimaadeen mas’uuliyiin ka soctay DFS ayna la kulmeen Natanyaahu iyo saraakil kale oo katirsan maamulka Yahuuda sidoo kalena lagu gudajiray qaban qaabada kulan kale oo dhaxmara dowladda Soomaaliya iyo maamulka Yahuudda mudada uu xukunka joogay Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale sanadkii 2015-kii waxaa magaalada Qudus ka dhacay kulamo hoose oo dhaxmaray mas’uuliyiin katirsan wazaarada dhaqaalaha maamulka yahuuda iyo mas’uuliyiin kasocday xukumada Federaalka Soomaaliya ee xilligaas sida uu wargaysku sheegayo.

Ra’iisul wazaarihii hore ee Yahuuda Binyamiin natanyaahu ayaa ka gaabsaday ka hadalka kulankaan isagoo aan beenin dhanka kalena aan xaqiijin waxuuna kaliya ku gaabsaday in ay jiraan wadamo ay xiriir la leeyihiin oo ku yaalla bariga Africa basle uu yahay mid qarsoon.

Waxuu sidoo kale wargayskan Yahuuddu leedahay uu sheegayaa in ay jiraan calaamado muujinaya in DFS ay rabto in ay caadiyayso cilaaqaadka maamulka Yahuuda.

Bishii Maarso 2019, Soomaaliya ayaa ka aamustay cod ay wadamada ku jira hay’adda Qaramada Midoobay ku dhaleeceeyeen qabshashadii Yahuuda ee buuraha Al-Jawlaan waxayna ahayd markii ugu horreysay oo dal xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta uu ka aamuso qaraar lagu canbaaraynayo maamulka Yahuuda oo ah mid heer caalami ah .

“Ergeyga Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobay ayaa codeynta kadib looga yeeray dalka, waxaana sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu warbaahinta u sheegay in uu aad ula yaabay diidmada kasoo yeertay Soomaaliya oo uu sheegay in ay khilaafsan tahay mowqifka rasmiga ah ee dowladda” ayaa lagu yiri warbixintaan uu qoray wargayska The Theme of Israa’iil.

Saraakiil katirsan dowladda Soomaliya ka jirta ayaa horay u teegeeray maamulka Yahuuda iyagoo sheegay in ay suuragal tahay in la caadiyeeyo cilaaqaadka Yahuuda iyo Somaliya.

Mas’uuliyiin u hadlay maamulka Yahuuda oo la hadlay wargayska ayaa iyagana sheegaya in ay suuratagal tahay in lasii ambaqaado wadahaladii qabyada ahaa ee horay udhaxmaray Yahuuda iyo DF waqtigii xasan sheekh uu jogay xafiiska inta aan markale dib loo dooran.

Waxay aaminsan yihiin in uusan jirin wax isbadal ah uu ku yimid mawqifka hogaamiyaha DF-ka islamarkaana ay macquul tahay in wadahalada ay dib u bilowdaan sanadka soo socda ee 2023-ka kolkaas oo ay furmi doonaan wadahallo looga arinsanayo aqoonsiga maamulka israa’il iyo xubinimadeeda midawg Afrika.

Arintan ayaa imaaneysaa iyadoo dhawaan yahuudu ay dalbatay in lagu sharfo inay xubin ka noqoto isbaheysiga midowga Africa maadama aysan Juquraafi ahaan gobolka dhicin, xeyndaabka Juquraafiyadeedna arintaas ka hor istaagayo.

Inkastoo wargayska The Times Of Israa’iil uusan sheegin halka ay ku kulmeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’zul Wazaaihii hore ee Yahuuda Binyamiin-Natnyaahuu, kulankaasne u ahaa mid qarsoodi ah, hadane waa arin aan laga baciidsaneyn Xasan Sheekh Maxamuud maadama uu yahay nin xambaarsan sooyaal madoow oo daba dhilifnimo iyo gaalo jaceylk aha.

La yaab ma leh in ninkan oo Jigjiga u aqoonsaday magaallo Itoobiya leedahay uu sidoo kale Qudus iyo dhulka Filistiin u aqoonsado Yahuudda islamarkaana la sameysto xiriir wanaagsan.

Sanadkii tagay ee 2020ka ayaa caalamka islaamka la fajacay xiriir iyo kal gacayl aan horay loo arkin oo ay kala kulmeen dowladaha carabta gaar ahaan Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Suudaan kuwaas oo mamulka Yahuuda u aqoonsaday dawlad sharci ah islamarkaana ay soo celiyeen cilaaqaadkii kala dhaxeeyay iyagoo dhulka Filistiin u aqoonsaday in in uu yahay mid udhaxeeya labo maamul.

Dadka falanqeeya siyaasadda bariga Africa ayaa tilmaamaya in Soomaaliya laga filan karo ina y qaado talaabadaas mudada ay ku hoosjirta talada Xasan Sheekh maxamuud.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Warbixinta Wargeyska The Times Of Israel.

https://calamada1.com/wp-content/uploads/2022/05/Warbixin-Kulan-HSM-IYO-Natanyaahu.mp3

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Inka Badan 20 Ruux OO Lagu Dilay Toogasho Mareykanka Ka Dhacday.
Next: Dhageyso Askarta Federaalka Oo Boob Xoogan Ka Geystay Deegaanka War-ciise.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1447 Hijri.

January 16, 2026
Mareykanka Oo Labaxay Safiirkiisii Soomaaliya Soona Magacaabay Kusime.
  • Allposts
  • Warar

Mareykanka Oo Labaxay Safiirkiisii Soomaaliya Soona Magacaabay Kusime.

January 16, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-07-1447-Hijri.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada