Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Beledxaawo ee wilaayada Gedo.
Shilkan gaari ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari cabdi bile ah oo xawaare sare ku socday kaasi ay la socdeen sarkaal iyo askar ka tirsan dowlada ridada federaalka.
Shilkaan gaari waxa uu sababay dhimashada maxamed aweys oo ahaa taliye urur ka tirsanaa kooxda ridada iyo dhaawaca sideed askari, Waxaa sidoo kale burburay gaariga cabdi bilaha ee murtadiinta la rogmaday.
Inta badan gaadiidka kufaarta iyo kuwa murtadiinta ayaa xawaare sare ku socda sababo ku aadan cabsi ay ka qabaan qaraxyada iyo kamaa inada Mujaahidiinta balse allaah mahadiis kuma badbaadaan xawaaraha sare ee gaadiidka ku wadaan waxeyna la kulmaan shilal gaari kaasi oo ay kasoo gaarta qasaara ka badan ama la eg midkii ay kaga baqayeen iney kala kulmaan weerarada Mujaahidiinta.
Calamada.com