Howlgal si wanaagsan loo qorsheeyay oo ciidamada shabaabul Mujaahidiin gaar ah katiibada Maxamed Ibnu Maslamah ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka sirdoonka dowladda Ridada federaalka.
Howlgalkan oo si gaar ah kaga dhacay degmada Dheerkeeynleey ee magaalada Muqdisho waxay ciidamada katiibada Muxamed Ibnu Maslama ku dileen askari ka tirsanaa jawaasiista dharcadda Ridada murtadka lagu magacaabi jiray Maxamed Shuute.
Jaajuus Maxamed Shuute waxa uu ka mid ahaa askarta Ridada ee dhibta badan ku haysa shacabka degmada Wadajir murtadkan oo si gaar ah ula howlgalayay jawaasiista dharcadda ayaa si gaar ah u beegsan jiray dadka muslimiinta ee ay shacaa’irta islaamka ka muuqato.
Howlgalkan ka dhacay degmada Dherkeenleey waxa uu kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu weerar xooggan ku qaadeen saldhigyada ciidamada xabashida Itoobiya ay ka samaysteen deegaanno dhaca wilaayada Bay iyo Bakool.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com