Xilli uu cirka isku shareerayo khilaafka u dhaxeeya kooxda Riddada Somalia iyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland, ayuu madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi urur gaaleedka qaramada midoobay u gudbiyay dacwad ka dhan ah kooxda Riddada Gurguurte.
Maxamuud Sayyid Aadan, oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Riddada Jubbaland, ayaa kulan fogaan arag ah oo uu la qaatay mas’uuliyiinta dhanka siyaasadda u qaabilsan xafiiska ururka Qaramada Midoobay ee Somalia, ku sheegay in gobolka Gedo ay ka taagan tahay dhibaatooyin kala duwan oo ka dhashay qorsheyaal uu ku sheegay kuwa gurracan oo ay wado kooxda Riddada, kuwaas oo isugu jira burburinta amniga gobolka, xayiraadda garoomada diyaaradaha, iyo joojinta mashaariicda gobolka.
Wuxuu tilmaamay in dhibaatooyinkan ka dhasheen qorsheyaasha kooxda uu hoggaamiyo Gurguurte, isagoo intaas kusii daray in cawaaqib xumo ka dhalan karto arrimahaasi haddii aan si degdeg ah looga hortagin buu yiri kooxda Villa Soomaaliya iyo ficilladeeda ka dhanka ah maamul goboleedka Riddada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.
Dhanka kale, taliyaha sirdoonka kooxda Riddada ugu magacaaban gobolka Gedo murtad Cabdirashiid Janan, ayaa sheegay in maleeshiyada maamul goboleedka Axmed Madoobe ay dhibaatooyin ka gaysteen degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.
Isaga oo maleeshiyaadkiisa kula hadlayay xero Uk oo kutaal degmada Balad-xaawo ayuu Janan ku eedeeyay maleeshiyada maamulka Axmed Madoobe inay habeennadii u dambeysay dhac ka gaysteen degmadaasi, intaas kaddibna ka gudbeen xuduudka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.
Waxay arrimahan kusoo beegmayaan xilli kooxda Riddadu qorsheynayso inay maamul iyada taabacsan oo Jubbaland ah ka dhisto gobolka Gedo, kaasoo ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.