Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maxbuus Ka Soo Baxay Guwantanamo Iyo Askarigii Tacdiibin Jiray Oo Ku Kulmay Xeerada Afurka!! Sheeko Cajiib ah.
  • Allposts
  • Warar

Maxbuus Ka Soo Baxay Guwantanamo Iyo Askarigii Tacdiibin Jiray Oo Ku Kulmay Xeerada Afurka!! Sheeko Cajiib ah.

May 22, 2018

Steve wood waa askari Ameerikaan ah oo isaga kala gudbay saldhigyada milliteriga Maraykanku ku leeyahay gudaha wadankaas iyo caalamka, Muxamadu Walad Salaaxina waa qof dhalinyaro Murutaaniyaan ah oo degan xaafadda Toojnin oo kamid ah xaafadaha ugu liita ee magaalada Nuwaakshoodh.

11-kii Novembar sanadkii 2001, cutubyo katirsan ciidamada amaanka ee Murutaaniya ayaa soo gaaray guriga uu deganaa Muxamadu Walad Salaaxi, waxayna ka codsadeen inuu u raaco safar gaaban oo dhowr saacadood qaadanaya.

Maalintaas waxay ku aadneyd 4-ta bisha Ramadaan, wuxuuna markaas Muxamadu kasoo laabtay madaxtooyada dowladda, halkaas oo uu ka ahaa Injineer habeeya warbixinnada, madaxweynihii xilligaas ee Murutaaniyana aad ayuu uga heli jiray qaab maamulkiisa.

Nasiib darro Muxamadu dib uma soo laaban, dowladda Murutaaniyana waxay u gacan gelisay Maraykanka, waxaana u billowday nolol cusub oo ka kooban argagax, tacdiib iyo jirdil joogta ah, isagoona isaga kala gudbay Urdun, Afqaanistaan, illaa ugu dambeyn uu saldhigtay jaxiimada Guwantanamo.

Sannooyin xiriir ah ayay ciidamada Maraykanku tacdibiinayaan Maxamadu, wuxuuna jirkiisa la qabsaday garaacista iyo darbeynta, ciidamada ilaalada xabsigana waxay isku mada daalin jireen inay ka mamnuucaan hurdada, kuna qeyliyaan, sidoo kalena ku jees jeesaan diinta Islaamka, iyagoo mararka qaar ugu hanjabaya iney soo qafaali doonaan hooyadii, halkannaa ku kufsan doonaan.

Sanado kahor ayuu Muxamadu Walad Salaaxi baahiyay kitaab yar oo uu kaga hadlay xusuustiisii Guwantanamo, kaas oo sameeyay hadal heyn ballaaran oo gudaha iyo caalamkaba ah, inkastoo ka hor inta aanu soo bixin kitaabka ay soo tifaftirtay dowladda Murutaaniya, xaqiiqana ay tahay in waxyaabo badan laga tiray.

Wuxuu ciwaan uga dhigay kitaabkiisa “Nolol maalmeedkii Guwantanamo”, isagoona ku qoray luuqadda Englishka oo uu soo bartay intii uu ku xirnaa Guwantanamo.

Ugu yaraan 20 wadan ayuu kitaabkan ku faafay, waxaana uu si qota dheer diiradda u saarayaa dhibaatada qabsatay wiilkan dhalinyarada ah oo ay dhiibtay dowladda Murutaaniyah, Masaarida, Urdun iyo Maraykankuna si xun u tacdiibiyeen.

Wuxuu gudaha buugan uu Muxamdu Walad ku tamaninayaa inuu laqaato fadhi aan tacdiibin jirin kuwii sanadaha badan xiray, dhabtiina way u suuragashey, wuxuuna maalmo kahor saxaraha Murutaaniyah kula kulmay Steve Wood oo kamid ahaa ilaalada xabsiga Guwantanamo.

Saxaraha waasac ah ee aysan jirin derbi iyo siligyo ku wareegsan ayay labadan ruux oo aad u kala fogaa ku kulmeen, halkaas ayayna si wadajir ah ugu afureen.

Markii Muxamadu Walad la xirayay, wuxuu Steve Wood ku sugnaa  saldhig Maraykanku ku leeyihiin Masar, ugu dambeyna waxaa Steve lagu wargeliyay in loo bedelayo Guwantanamo si uu waardiye uga noqdo qolka 760-aad oo Maraykanku sheegeen iney ku xiranyihiin dad muhiim ah.

Qof la dhashey Muxamadu Walad ayaa sheegaya in  walaalkii iyo Steve Wood ay halkaas ku dhexmartay sheeko gaaban, mid welibana uu isku dayay inuu kan kale soo jiito, oo uu ku qanciyo diintiisa, balse ludhfiga Alle ayaa hareeyay waardiyihii gaalka ahaa, halkaas ayuuna ku islaamay.

Steve wuxuu sheegayaa in sababta ugu weyn ee ku riixday inuu qaato diinta Islaamka ay ahayd markii uu arkay sida maxaabiista iyagoo ku jira xaalad adag hadana ugu dheganyihiin diintooda, una ilaashanayaan akhlaaqdooda.

Muxamed Waladu Salaaxi ayaa bartiisa Twitterka wuxuu ku baahiyay sawirrada isaga iyo Steve Wood oo wada afuraya, wuxuuna yiri “ aniga iyo waardiyaha jeelkii aan ku xirnaa Steve Wood oo si wadajir ah u afureyna”.

Waa qiso cajiib ah iyo sheeko dhab ah oo muujineysa miraha sabarka, iyo sida shaqsiga muslimka ah dhibaato kasta oo uu ku jiro hadana uu awood ugu leeyahay inuu faafiyo diinta Islaamka.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dagaalka Ka Socda Magaalada Darnah Oo Sii Xoogeystay.
Next: Dhageyso: Darsiga Shanaad Ee Kitaabka Akhlaaqu Salaf.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-03-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-03-1447 Hijri.

August 25, 2025
Sarkaal Ka Tirsan Maleeshiyada ‘Koonfur-galbeed’ Oo Lagu Weeraray Bardaale.
  • Allposts
  • Warar

Sarkaal Ka Tirsan Maleeshiyada ‘Koonfur-galbeed’ Oo Lagu Weeraray Bardaale.

August 25, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-03-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-03-1447-Hijri.

August 25, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 28 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 28 aad)

August 24, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)

August 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025

Sawirro

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada