Wararka ka imanaya waddanka Kenya ayaa sheegaya in ku dhawaad 32 qof oo meyd ah oo u badan caruur laga soo saaray xabaal-wadareedyo ku yaalla magaalo lagu magacaabo Kericho (Keeriijo) oo ku taal galbeedka dalka Kenya.
Sida ay xogtu tibaaxayso, goob ay leeyihiin waxa loogu yeero Golaha Qaranka ee Kaniisadaha Kenya ayaa la xaqiijiyey in maydadkan laga soo saaray, ka dib markii xog laga helay halkaasi.
Nin ku takhasusay baaritaannada meydadka, qayb-na ka ahaa hawl-galkaasi ayaa weriyeyaasha u sheegay inay arkeen maydad laga soo buuxiyey baco, oo goobtaasi ku duugnaa.
Todobo ka mid ah maydadkan ayuu ninkani xusay inay ahaayeen dad waaweyn, halka 25-ta kale ay ahaayeen caruur yar yar, kuwaas oo weliba qaarkood la sheegay inay ku jireen marxaladdii Uur-jiifka.
Waxa kale oo ninkani ka dhawaajiyey in qaybo goog’an oo ka mida jirka bani’aademka laga soo saaray goobtaasi, isagoo carrabka ku dhuftay in meydadka qaar u muuqdeen kuwo laga keenay cisbitaallada.
Meydadka qaar ayaa la sheegay in la helay iyagoo bedqaba oo isku yaalla, halka kuwa kalena laga helay qaybo goo’gan iyo lafo. Waxaanay wararku sheegayaan in jir-dil uu ka muuqdo maydadka qaar.
Si kastaba ha ahaatee, su’aalo badan ayaa weli ka taagan meydadkan iyo qaabka loo fuliyey aas-wadareedka, waxaana weli socda baaritaanno ay waddo dowladda Kenya.
Sannadkii 2023, ayay ahayd markii 429 mayd ah laga helay xabaal-wadareedyo ku yaallay duur u dhow magaalo-xeebeedka Malindi, taas oo ahayd mid ka mid ah kiisaskii ugu xumaa ee ka dhacay dalka Kenya.