Rag ku hubeysan hubka fudud oo ka tirsan Mujaahidiinta waxay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ku dileen mid ka mid ah ergooyinka soo dhisa xildhibaannada dawaaqiidda Ridada.
Howlgalkan gaarka ah waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha degmada Deyniile ee magaalada caasimadda Muqdisho, waxaana howlgalka lagu dilay Xassan Maxamed Cilmi oo loo garan ogaa (Xassan Fariid) kaas oo ka mid ahaa ergooyinka dowladda Ridada Farmaajo.
Meydka Ergayga waxaa goor dambe goobta ka qaaday maleeshiyaad kale oo ka agdhowaa halka uu dilku ka dhacay, Waxaana goobta si nabdoon kaga dhaqaaqay raggii Mujaahidiinta ahaa ee howlgalkaasi fuliyay.
Ilo wareedyo muhiim ah waxay xaqiijinayaan in dilka Ergeygan oo shalay ka dhacay degmada Deyniile uu durba cabsi iyo anfariir ka dhex abuuray ergooyinka hadda ku howlan soo xulista xildhibaannada dawaaghiidda Ridada, kuwaas oo aan wali ku cibra qaadan halka ay mareen kuwii iyaga ka horreeyay, Xassan Fariidna waxa uu biirinayaa safka ergooyin badan oo 4-tii sanno ee lasoo dhaafay ku baxay gacanta ciidamada Maxamed Ibnu Maslmah ee xarakada shabaabul Mujaahidiin.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com