Magaalada New York ee carriga Maraykanka waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday shirar iyo kulamo dhaqaale loogu raadinayo howlgal gaaleedka ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee AUSSOM, kaasi oo tan iyo markii lagu dhawaaqay la liicaya dhaqaale la’aan baahsan.
Gaalada caalamiga ah oo uu Maraykanku ugu horreeya ayaa ka caga-jiidaysa in dhaqaale hor leh ku bixiyaan howlgal aan dhammaad lahayn, sidoo kalena xaqiijin wax natiijo ah, halka madaxya-weynta kuffaarta Afrikaanta iyo kan kooxda Riddada New York ka baadi goobayeen cid dusha u ridata dhaqaalaha ku baxaya howlgalkan.
Muxammad Cali Yuusuf, oo ah guddoomiyaha midowga gaalada Afrika, ayaa sheegay in kooxda Ridada Soomaaliya weli tahay mid aad u jilicsan, kaligeed na aysan qaadi karin culayska dagaal ee uga imaanaya dhanka Shabaabul Mujaahidiin.
Wuxuu tilmaamay in taageero kasta oo ay ku bixiyeen howlgalkaasi, haddana isbahaysiga AUSSOM uu weli la liicayo dhaqaale la’aan aad u baahsan, isaga oo si gaar ah u xusay in ku dhowaad $180 milyan oo doollar ay ka maqan tahay isbahaysigaasi.
Wuxuu ku cataabay in howlgalkooda uu u baahan yahay garab isataag, isaga oo farriin gaara u diray urur gaaleedka Qaramada Midoobay, midowga Yurub iyo dowladaha kale ee kufriga u ceynsan.
Dhowaan ayay ahayd markii, xoghayaha guud ee urur gaaleedka Qaramada midoobay, António Guterres, oo ka hadlayay shir lagu qabtay New York, oo taageero dhaqaale loogu raadinayay AUSSOM, uu qiray in ciidamo badan oo afaariqo ah ay naftooda ku waayeen dagaalka ay kula jiraan mujaahidiinta Al-Shabaab.
Guterres oo aad u calaacalay, rajo la’aanna muujiyey ayaa yiri “Ciidamada AUSSOM waxay ku sugnaayeen goobta dagaalka iyagoon wax mushahaar ah helin muddo 15 bilood ah, Tani waa mid aan la sii wadi karin. Sidaas darteed ciidan halis ku jira oo naftooda ku biimaynaya Al-Shabaab, saaxiibbo badanna ku waayay dagaalkaasi, in la waydiiysto inay sii shaqeeyaan mushahar la’aan, waa wax aan la aqbali karin.”
Shirkan oo ay isugu yimaadeen Ururrada gaallada ee kala ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, dawladda Ingiriiska iyo Kooxda riddada Somalia, ayaa looga dayriyey masiirka hawl-galkan, waxayna hoosta ka xariiqeen in goobaha ay haatan ku sugan yihiin calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta, ay halis ugu jiraan inay la wareegaan Mujaahidiinta Al-Shabaab, haddii aan la helin ayay yiraahdeen dhaqaale la isku hallayn karo oo ku filan hawlgakaasi.